Axmed Madoobe oo tegay Garoowe iyo ujeedka safarka

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa goordhow gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Safarka Axmd Madoobe ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan maamulkiisa, waxaana Garoonka Gen. Maxamed Bashir kusoo dhaweeyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiin kale, iyadoona loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada.

U jeedka safarka Axmed Madoobe ayaa la xiriira shir uu halkaasi kula leeyahay dhiggiisa Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi diirada lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka.

Labadaas maamul ayaa ka qeyb gelin Shirkii dhawaan Madaxweyne Farmaajo, qaar kamid ah Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo heshiis looga gaaray Doorashada dalka.

Jubbaland iyo Puntland ayaa caddeeyay inay ka horjeedan qodobadii kaso baxay Shirkii Madaxda, iyagoona sheegay in Dowladda ay fulin weyday heshiisyadii shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2, waxaana inta uu ku sugan Madaxweynaha Jubbaland Garoowe uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta.

Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah oo uu taagan yahay khilaaf ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonto iyo qaabka ay noqoneyso, waxaana la rumeysan yahay in Axmed Madoobe iyo Deni ay yihiin laba hoggaamiyo oo aad u mideeyey go’aanadooda halka maamul Goboleedyada kale ay dhawr jeer isbadalo kala duwan ku sameeyeen mowqifkooda doorashada iyo xaaladda kala guurka dalka.

Lama oga go’aanka ay isla qaadaan doonaan, labada hoggaamiye ee xulafada ah oo meel adag iska taagay shirkii wada-tashiga ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxaa suura-gal ah inay shirka ka furmaya Garoowe ku biiraan qaar ka mid ah hoggaanka xisbiyada mucaaradka dalka oo iyaguna ka soo horjeedo dowladda dhexe.