Maxaa ka jira in FARMAAJO uu u yeeray xildhibaanada Hawiye kadibna ay diideen?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay waxaa baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta qabsaday farriin qoraal la sheegay inay ka timid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu kulan isugu yeeray xildhibaanada kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Saacado kadib waxaa soo baxay isla farriin qoraal kale oo la sheegay inay ka timid madaxweynaha oo lagu baajiyey kulankaas oo โ€œqorsheysnaa caawaโ€, ayada oo sababtana lagu sheegay in xildhibaanada ay diideen kulanka.

Hase yeeshee daba-gal ay sameysay Caasimada Online ayaan ku ogaanay in labada farriin qoraalba ay ahaayeen kuwa aan waxba ka jirin, mana jirin wax kulan ah oo madaxweynaha uu isugu yeeray xildhibaanada Hawiye.

Laba il-wareed oo ka tirsan Villa Somalia iyo ugu yaraan saddex ka mid ah xildhibaanada Hawiye ayaa Caasimada Online u sheegay inaanu jirin wax kulan ah oo madaxweynaha qorsheeyey.

โ€œMa jiro kulan madaxweynaha uu isugu yeeray xildhibaano gaar ah, farriin qoraaleedyada la wareejinayey waxay ahaayeen kuwa la been abuuray,โ€ ayuu yiri masโ€™uul ka tirsan Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online.

Labada qoraal ayaa la rumeysan yahay inay abuureen dad doonayey inay jahwareer abuuraan, mana cadda danta ay ka lahaayeen.

Inkasta oo sababta kulankaas aan jirin lagu sheegay in madaxweynaha uu doonayey inuu xildhibaanada kala hadlo arrimaha magacaabista raโ€™iisul wasaaraha cusub, ayaa Caasimada Online waxay ogaatay in madaxweynaha uu magacaabistaas kala tashan doonin xildhibaanada Hawiye.

Waxaa sidoo kale suurta gal ah inaanba la magacaabin raโ€™iisul wasaare Hawiye ah sida aan shalay xog gaar ah ku sheegnay. Halkan ka aqri xogtaas.

- Advertisement -

Read more

Local News