Qodobada Deni iyo Axmed Madoobe ay doonayaan in laga bedalo heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb 3

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho maanta waxaa soo gaaray madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland (Axmed Madoobe iyo Saciid Deni) kadib cadaadis uga yimid beesha caalamka waxey shir la yeelan doonaan dowladda dhexe.

Labadaan madaxweyne waxey qaadaceen ka qeybgalka shirkii dhuusamareeb wajigiisa saddexaad, mana aysan ku qancin qodobadii kasoo baxay, sidaas darteed waxaa la leeyahay waxaa jirta saddex qodob oo la fahamsan yahay iney doonayaan in laga badalo heshiiska.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Garowe, waxeyna xaqiijiyeen kaliya imaatinkooda magaalada Muqdisho.

Caasimadda Online waxey heshay in labada madaxweyne ay ku dhawaad 10 qodob diidan yahiin, balse ay saddex ugu muhiimsan tahay, waxeyna doonayaan iney si gaar ah ugala heshiiyaan Farmaajo.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxey dood ka qabaan qodob taabanaya xildhibaanada, wuxuu ku saabsan yahay kuraasta golaha shacabka oo la sheegay iney dooraneyso 301 ergo, waxaana ku jiri karta kuraasta la isku daraayo iyo kuwa la dhigayo deegaano aan laga taageersaneyn Jubbaland iyo Puntland.

Waxa kale oo ay doonayaan labada madaxweyne in madaxweyne Farmaajo uu ogolaado in go’aanka ugu dambeeya heshiiskooda aysan shaqo ku yeelan doonin golaha Shacabka, taas badalkeeda ay doonayaan heshiis walba oo ay la gaaraan Farmaajo ineysan door ku yeelan golaha shacabka maadaama madaxweynaha horay u sheegay in heshiis walba uu ayaga ku celinaayo.

Ugu dambeyntii waxaa jira qodob xasaasi ah oo ku saabsan cidda maamuleysa doorashada soo socota, heshiiska Dhuusamareeb wajigiisa saddexaad waxaa ku qoran iney guddiga doorashooyinka qaran maamulayaan.

Waxey aaminsan yahiin in guddigaan doorashada ay garab taagan yahiin Villa Soomaaliya, sidaas darteed waa qodob ka mid ah kuwa ugu adag ee la rabo in laga heshiiyo, Deni iyo Axmed waxey doonayaan in qodobaas wax laga badalo.