Musharax madaxweyne oo soo jeediyey in afar sano dib loo dhigo doorashada BF

London (Caasimada Online) – Ganacsade Abshir Aden Ferro, oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ee 2021, ayaa soo jeediyey in doorashada baarlamanka Soomaaliya dib loo dhigo afar sano, isaga oo ka digay in doorasho xilligan la qabto ay dalka u gacan gelin karto Al-Shabaab.

“Habka doorashada ee xilligan la go’aamiyey waa halis amni. Haddii xilligan la doorto xildhibaano, waxaad arki doontaa aqalka dhan oo ay ka buuxaan Al-Shabaab,” ayuu Abshir u sheegay radio-ga Faransiiska ee RFI.

Doorashada xilligan dhaceysa ayaa ah mid xildhibaanada ay soo dooranayaan ergo, taasi oo aan ahayn doorashadii qof iyo cod ee madaxweyne Farmaajo uu doonayey.

“Madaxweyne waxaa waajib ku ahaa inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, mana ku guuleysan muddo afar sano ah,” ayuu yiri.

Balse waxa uu sheegay in dhibaatada ay meel kale ka jirto.

“Sida habka Soomaaliya u shaqeeyo ayaa ah in xildhibaanka uu codka ka iibsado hogaamiyaha qabaa’ilka, mana ahan bilaash, waxaan maqalnay in meelaha qaar halkii xildhibaan uu kursigiisa ku gato hal milyan oo dollar, taasina waa musuq-maasuq,” ayuu yiri.

“Marka xildhibaanka uu iibsado kursiga, waa inuu dib u helaa lacagtiisa, wuxuu u codeeyaa madaxweynaha, kaasi oo xildhibaanada lacag siiya. Su’aasha hadda waxay tahay xaguu ka keenaa lacagtaas?”

Musharax Abshir Aden ayaa soo jeediyey in xildhibaanada hadda jooga ay sii joogaan afar sano oo kale, si looga hortago in qabaa’ilka iyo musuq-maasuqa ay saameyn ku yeeshaan.

“Sidaas darteed, doorashada xigta dadka ayaa codeyn doona, intii ay ka codeyn lahaayeen odayaasha qabaa’ilka,” ayuu yiri.

Abshir ayaa ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono halista Al-Shabaab oo uu sheegay inay ku milmeen nidaamka siyaasadda Soomaaliya.

“Sanadkii tegay, Al-Shabaab waxay u yeereen odayaasha dhaqanka, ayaga oo siiyey amaro adag oo la xiriira xildhibaanada ay soo dooranayaan,” ayuu yiri.

“Sidaas darteed, xildhibaanka wuxuu noqon doonaa mid ay doorteen Al-Shabaab, kuwaasi oo maamuli doona baarlamanka, soona dooran doona madaxweynaha xiga ee mustaqbalka. Taasi waxay noqon doontaa musiibo aan ku koobneyn Soomaaliya oo kaliya, balse saameysa caalamka oo dhan,” ayuu ka digay.

Sidaas darteed, ayuu Abshir doonayaa in xildhibaanada hadda jira ay sii joogaan afar sano, oo ay madaxweyne cusub doortaan bisha Febraayo.