7 sano kadib, Xuseen Xasan Mustaf, Maxamed Axmed iyo Liibaan Cabdullaahi oo loo haysto weerarkii Westgate

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa toddoba sanno kadib lagu wadaa inay qaado kiiska eedeysanayaal loo haysto weerarkii ka dhacay dhisme laga dukaameysto oo lagu magacaabo Westgate.

Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo eedeysanayaashan lala xiriirinayo ayaa 2013-kii weerar ku qaaday dhismahaasi oo ku yaala caasimada Kenya ee Nairobi.

Eedeysanayaashan oo tiradoodu dhan tahay saddex ruux ayaa loo haysta inay gacan weyn ka geysteen caawinta xubnihii Shabaabka ahaa ee weerarkaasi ka fuliyey gudaha Westgate.

Weerarkaasi ayaa ugu yaraan waxa ku dhimataya 67-qof, halka tiro kale ay ku dhaawacantay.

Raggan ku eedeysan inay qeyb ka ahaayen weerarkaasi ayaa gebi ahaanba iska fogeeyay eedeynta loo soo jeediyay, midaasi oo kiiskooda ka dhigtay mid sii dabo dheeraada.

Waxaana xusid mudan in ka badan 140 marqaatiyaal ah ay ku marag furtay raggaasi, inkastoo iyagu ku doodayaan taasi badalkeeda, isla markaana ay beeniyeen.

Ragga lala xiriirinayo weerarkaasi ayaa magacyadood lagu kala sheegay; Xuseen Xasan Mustaf, Maxamed Axmed Cabdi iyo Liibaan Cabdullaahi Cumar.

Dowladda Kenya ayaa xiligan wajaheysa khataro amni oo uga imaanaya maleeshiyada Al-Shabaab, xili ay gudaha Soomaaliya ka joogaan ciidamo dagaal xoogan kula jira maleeshiyadaasi.