Loolanka Abgaal iyo Xawadle iyo afar caqabad oo hor-taagan jadwalka doorasho ee maamulka HirShabelle

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga Farsamo ee soo xulista baarlamaanka labaad ee dowlad gobaleedka HirShabeelle ayaa shalay soo saaray Jadwalka doorashada ee baarlamaanka maamulkaas iyo guddoonkaba.

Jadwalkaan ayaa ka bilaabanaya 8-da bishaan, waxa uuna ku egyahay ilaa 5-ta Bisha November ee sanadkaan, markaas oo ay dhici doonto, sida Jadwalka ku cad, doorashada guddoonka baarlamaanka 2-aad ee dowlad gobaleedka HirShabeelle.

Jadwalka ay soo saareen guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka HirShabeelle ayaa wajahaya afar caqabood oo waa weyn, kuwaas oo la aaminsan yahay in qaarkood uu ka dhaqaaqi karin.

Caqabadaha ayaa kala ah:

1) – Wadashaqeynta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo aan wanaagsaneen iyo khilaaf hoose oo u dhaxeeya xubnahaan kaas oo laga cabsi qabo inuu banaanka usoo baxo saacadaha ama maalmaha soo aadan.

2) – Beelaha daga HirShabeelle, gaar ahaan Abgaal iyo Xawaadle oo isku waafaqsaneen beesha u tartami karta kursiga Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Abgaal ayaa raba in ay noqdaan sanadkaan Madaxweynaha HirShabeelle halka Xawaadle diidan yahay.

3) – Amaanka HirShabeelle oo aad u hooseeyo, waxaana jira cabsi badan oo ah in Al-Shabaab weeraro ka fulin karaan Jowhar iyo magaalooyin kale, waxaana sidoo kale Jowhar lagu tagi karin gaadiid.

4) – Qaar kamid ah siyaasiinta xilka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka raadinaya ayaa sidoo kale kalsooni ku qabin guddigaan waxayna cabsi ka qabaan in aysan dhicin doorasho loo siman yahay.

Caqabadahaan ayaa ah kuwa ugu waa weyn ee uu wajahayo Jadwalka ay shalay soo saareen guddiga farsamada lamana oga sida ay ugu gudbin doonaan.