29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

DAACISH oo WAR ka soo saartay weerar ay ka fulisay magaalada Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

MuqdishO (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa war ka soo saartay weerar ay shalay dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Daacish, islamarkaana ay baahisay wakaaladda wararka u faafisa ee Acmaaq ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu ka dhacay isgoyska Xoosh ee degmada Dharkenley, islamarkaana lagu qaaday saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Warka ka soo baxay Daacish ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ku dileen ugu yaraan hal askari iyo dhaawaca askar kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Weerarkan ayaa waxaa loo adeegsaday bistoolado, iyadoona iska hor imaad toos ah uu dhexmaray ciidamada ammaanka iyo raggii fuliyey oo mid ka mid ah la dhaawacay, kadibna nolosha lagu qabtay, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Daacish ayaa mararka qaar weeraro u badan dilal qorsheysan ka fulisa gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kooxdan ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda gobolka Bari ee Puntland oo fariisimo ay ku leedahay, balse waxa ay weeraro gaadmo ah ka fulisaa qeybo badan oo ka mid ah dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News