Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qoraal ay goor dhow soo saartay aad ugu cambaareysay hanaanka loo soo xulay guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee heer federaalka.
Qoraalka Madasha oo ka kooban shan qodob ayaa lagu sheegay in guddiyada la soo magacaabay ay ku jiraan xubno ka tirsan heyโadda Nabad sugidda Qaranka iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya.
Madashu waxay qoraalkan ku cadeysay in arrinkaasi uu baalmarsanyahay shuruucda dalka u yaalla, heshiiskii doorahada iyo xeerka baarlamaanka.
โTaasi waxay dhaawaceysaa kalsoonida lagu qabi karo, hanaan doorasho oo xor iyo xalaal ah inay dalka ka dhacdo,โ aya lagu yiri war-saxaafadeedkan ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.
Sidoo kale Madasha ayaa sheegtay inay cadeyneyso in xukuumadda federaalka aysan wax sharciyad ah u laheyn inay soo magacaawdo xubnaha gobollada waqooyi ku metelaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka heer federaalka.
โTaasi waxay gef ku tahay nidaamka metelaadda dalka, isu-dheeli-tirnaanta iyo madax-banaanida guddiyada doorshadaโ ayaa lagu yiri qoraalka.
Madasha Xisbiyada ayaa talo ahaan u soo jeedisay in hanaankii doorashadii 2016-kii loo maro soo doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland, isla markaana howshaas loo madax-baneeyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi โmaadaama uu ka mid yahay hoggaanka ugu sareeya dalka, kana soo jeedaโ gobollada waqooyi.
โMadashu waxay ugu baaqeysaa madaxweynaha iyo raโiisul wasaaraha inay ka waantoobaan, kana fogaadaan, tallaabooyinka dhaawacaya hufnaanta doorashada iyo hanaankii doorasho ee lagu heshiiyeyโ ayaa lagu yiri qoraalkan.
Ugu dambeyntii Madashu waxay ku shaacisay qoraalkan inay ka sii afeefaneyso in wax kasta oo keeni kara muran iyo isqabsi shaki geliya madax-banaanida guddiyada iyo natiijada doorashooyinka goleyaasha baarlamaanka federaalka ay qaadi doonaan madaxweynaha iyo raโiisul wasaaraha.