Jowhar (Caasimadda Online) – Maamulka Hirshabelle ayaa loo doortay hogaan cusub iyadoo xildhibaanada maamulkaas ay goor dhaw madaxweyne cusub u doorteen Cali Guudlaawe Xuseen, kadib markii uu si awood leh ugu guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.
Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa helay 86 cod, halka musharaxii la tartamaayay Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan uu helay 13 cod, ma jirin musharax kale oo ku jirtay doorashada maamulka Hir-Shabelle.
Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo shaaciyay in Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay madaxweynaha afarta sano ee soo socota hogaamin doona maamulka Hir-Shabelle.
Dhamaan waxaa xaadir ahaa 99 xildhibaan ee maamulka Hir-Shabelle, sidoo kale waxaa hoolka doorashada ku sugnaa xildhibaano heer Federaal ah oo ay deegaan doorashadooda tahay Hir-Shabelel iyo kuwa kale.
Sidoo kale guddi heer Wasiiro ah ayaa xaadir ku ahaa magaalada Jowhar, waxaana maamulka Hir-Shabelle hogaamin doona Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo horay usoo noqday madaxweyne ku xigeenka maamulka.
Dhanka kale, Yuusuf Axmed Hagar ‘Daba-geed’ ayaa loo doortay madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle kadib doorasho loo dhan yahay oo ka dhacday magaalada Jowhar.
Yuusuf Dabageed oo dhawr jeer soo noqday gudoomiyaha gobolka Hiiraan, sidoo kalana mar wasiir ka noqday maamulka Hirshabelle ayaa codadkii ugu badnaa ku helay kursiga madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle.
Yuusuf wuxuu helay codad dhan 87 cod, halka musharaxii la tartamayay Maxamed Dheere uu helay codad dhan 12.
Yuusuf Dabageed wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu miisaanka culus maamulka Hirshabelle iyo beesha uu kasoo jeedo.