Xog: Qoor Qoor oo bilaabay qorshe cusub iyo midowga musharaxiinta oo ka aqbalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa shir kale ku yeeshay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga arrinsanayeen doorashada dalka iyo fal-celintii ka dhalatay war-saxaafadeedkii ay soo saareen laba maalin ka hor.

Shirkaas waxaa dib uga biiray Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Xog ay shirkaas ka heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Qoor Qoor uu Musharaxiinta ka codsaday in iyaga iyo madaxda dowladda federaalka uu dhex-dhaxaadiyo.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa dhankooda ka aqbalay Qoor Qoor  codsigiisa ah inuu dhex-dhaxaadiyo ayaga iyo hoggaanka dowladda federaalka.

Dhawaan war-saxaafadeed ay ka soo saareen shir u socday mudo lix maalmood ah ayey ku go’aamiyeen inay qaban doonaan doorasho u gaar ah, hadii dowladda dhexe aysan joojin boobka ay ku heyso doorashada iyo qodobo kale.

Hasa yeeshee waxaa u jawaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo u soo daliishaday Aayado  Qur’aan ah, isagoo ku baaqay in la qabqabto oo la dilo.

War kale oo ka soo baxay musharaxiinta ayey ku sheegeen inay dhab u qaadanayaan hadalka guddoomiye Cumar Filish, waxaana haatan cakiran xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu casuustaa kaalintii uu ku lahaa dib u bilaabashada wadahadallada doorashada ee dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, isagoo Dhuusamareeb isugu geeyey iyagoo aan isisoo hor fariisan in ka badan laba sano.

Haatan, waxaa laga dhursugayaa sida uu Qoor Qoor u maareeyo marxaladan siyaasadeed ee uu dhexda u xirtay, si uu ugu kala dab-qaado xulufada Madaxweyne Farmaajo iyo in ka badan 14 musharax oo is baheystay.