Sawirro: Banaanbaxyo xoog leh oo caawa ka bilaawday Beledweyne iyo dil ka dhacay

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa salaadii Cishaha ee caawa kadib ka bilaawday banaanbaxyo xoog leh oo rabshado wata, kuwaas oo dadka dhigaya ay ku qeylinayaan erayo ka dhan ah maamulka cusub ee HirShabeelle.

Sidoo kale koox hubeysan ayaa fiidkii hore ee caawa xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baledweyne ku dishay Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur oo loo yaqiinay (Xasan Tiyeegoow) waxaana goobta ka baxsaday raggii geystay dilkaas.

Dadka mudaharaadaya ayaa ka careysan xarig loo geystay xubno ganacsato ah oo lagu eedeeyey horinta banaanbaxyadii shalay ka dhacay magaalada, kuwaas oo lagu diidanaa in la weeraro jabhadda ku sugan duleedka Beledweyne ee uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xuud.

Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa caawa aad u kacsan, waxayna dadka banaanbaxaya gubayaan taagyaro, qaar ka mid ah dadkaasna waxay Caasimada Online u sheegeen in laga cabsi qabo in dabku qabsado goobaha ganacsiga iyo dhismayaasha magaalada.

Sidoo kale qeybo badan oo ka mid ah magaalada waxaa caawa laga maqlayaa rasaas, waxaana haatan Beledweyne ku sugan madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed.

Dadka reer Beledweyne ayaa gadoodsanaa tan iyo markii la gudaga galay dhismaha maamulka cusub ee HirShabelle, waxayna haatan diidanyihiin in Madaxweynaha la doortay Cali Guudlaawe uu tago magaalada Beledweyne.