25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Afhayeenka Al-Shabaab oo war kasoo saaray qaraxii Gaalkacyo iyo qorshahooda

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta si faah-faahsan uga hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Afhayeenka ciidamada xarakada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab oo ka hadlay weerarkaas ay ku dileen saraakiisha ciidanka, ayaa sheegay in ujeedka weerarkaas uu ahaa in lagu dilo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Weerarka ayaa ka dhacay goob uu ra’iisul wasaaraha rabay inuu tago, waxeyna dhibaatada soo gaartay saraakiil meel ku aruursanaa, oo qeyb ka ahaa sugidda amniga.

“Ujeedka weerarka wuxuu ahaa in lagu dilo ra’iisul wasaaraha,” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab oo warbaahinta afkooda ku hadasha u sheegay inuu guuleystay qaraxii halkaas ka dhacay.

14 qof oo ka kooban saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21-aad, askar kale, iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka in ka badana ay ku dhaawacantay.

Saraakiisha ku dhimatay weerarkan ayaa waxaa laga xusi karaa Taliyihii Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Kumaandooska Danab ee Qaybta 21aad, Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan, Taliye Kuxigeenkii Kumaandooska Danab, Marsha Mire, Sarkaal kale oo ka tirsanaa Qaybta 21aad, laguna magacaabi jiray Axmed Baaraaf, Duqii hore ee Magaalada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumey iyo dhawr askari oo kale.

- Advertisement -

Read more

Local News