Dagaal lagu dilay 50 qof oo ka dhacay dalka Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida iyo kuwa is-maamulka Canfarta ee dalka Itoobiya, kaas oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ayaa yimid, kadib kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Canfarta ay weerar gaadmo ah ku qaadeen deegaanka Dan-lahelay ee gobolka Siti ee DDS oo ay ku laayeen shacab iyo sidoo kale ciidamo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale weerarka kadib ayaa lagu soo warramayaa inay deegaanka gaareen gaaree ciidamada Liyu-Booliiska ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana halkaas markale ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan geystay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyeen ugu yaraan illaa 50 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmen tiro kale oo intaasi ka badan.

Ma jiro weli wax hadal oo ka soo baxay is-maamulka deegaanka Soomaalida & kuwa Canfarta ee dalka Itoobiya oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana  weli is hor fadhiyaan labada ee ciidan dagaalamay, iyadoo sidoo kale laga cabsi qabo in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi.