Gen. Maxamed Nuur Galaal oo MUQDISHO lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa ka mid noqday dadkii lagu dilay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan Alle u weydiinayaa naxariistiisa Janno dhammaan muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkan bahalnimada ah ee argagixisada Alshabaab ay ka fuliyeen Hotelka Afrika, waxaan si gaar ah ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa ruug-cadaaga Ciidanka Soomaaliyeed, door wanaagsanna ka soo qaatay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida,” ayuu yiri madaxweynaha.

Siyaasiyiinta kale ee durba ka hadashay dilka Jeneraal Galaal waxaa ka mid ah Xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa Facebook ku soo qoray, “Gen Maxamed Nuur Galaal Allaha u naxariisto. Ehalada iyo asxaabtana samir iimaan Allaha ka siiyoo. Aamiin.”

Waxaa illa hadda la xaqiijiyey geerida Jeneraal Galaal, Taliyihii ilaalada Hotelka, askari ka tirnaaa ilaalada Hotelka iyo ganacsade Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) iyo dhaawaca Cabdikariin Goobaale oo ah wiil dhalinyaro ah.

Tobanaan qof ayaa laga soo badbaadiyey hotelka markii uu weerarku ka bilaawday kadib, waxaana illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhashay weerarka weli ka socda gudaha Hotel Afriik.

Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa abaare labadii subaxnimo (2:00 AM) soo afjaray weerarkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Afrik, kadib sagaal saac oo uu dagaal ka dhex socday hotelka.