DF SOOMAALIYA oo war kasoo saartay dib u dhaca ku yimid shirka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin guud ka bixiyey shirka wada-tashiga magaalada Dhuusamareeb iyo dib u dhaca xalay ku yimid.

Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in arrimo farsamo darteed uu u baaqday furitaanka shirka, gaar ahaan sababo la xiriira safarka madaxda qaarkood oo soo daahay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay daalanaayeen labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Wasiirka warfaafinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in shirka uu si rasmi ah u furmi doono saacadaha soo socoda, islamarkaana laga wada-hadli doono doorashooyinka.

Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay is-dajiyaan, kuna kalsoonaadaan madaxda Soomaaliyeed ee haatan ku sugan caasimada Galmudug.

Shirweynahan ayaa lagu waday inuu dhaco 1 illaa 3 bishaan, si loo guda-gallo wada-hadallada ku saabsan doorashada dalka ee 2021-ka, hayeeshee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada ee taabacsan dowladda ayaa yeeshay kulamo gaar ah.

Dhuusamareeb waxaa haatan ku sugan madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha dalka, dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo Duqa magaalada Muqdisho.