Sheekh Maxamed Idiris oo shaaca ka qaaday 5 fursad ‘oo uu lumiyey’ FARMAAJO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada waaweyn ee Soomaalida, islamarkaana aad u taageera madaxweyne Farmaajo, ayaa tilmaamay shan fursad oo uu madaxweyne Farmaajo lumiyey afartii sano ee uu xilka hayey.

Sheekh Maxamed oo qoraal uu soo saaray waxyaabo badan kaga hadlay ayaa shaaciyey in shantaas fursad ay ahaayeen kuwa la rabay in madaxweynaha wakhtiga kasii dhamaanayo ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka faa’iideysto balse ay dhaafeen, haddana waqtigu ka dhammaaday.

Fursadaha uu aaminsan yahay inuu Farmaajo lumiyay waxaa ka mid ah inuu mideyn waayay umadda kala irdhowday, sidoo kalana uu wax ka badali waayay nidaamka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Liiska Qodobada la sheegay inuu Farmaajo ku fashilmay:

1- Inuu lumiyay mideynta umadda kala irdhowday oo uu tago magaalo walba, dadka la fariisto, si la isku saamaxo, una hirgaliyo doorasho dhab ah.

2- Inuu lumiyay fursad uu uga faa’ideysan karay laba dowladood oo aad ugu dhaw, waana Qatar iyo Turkey, kuwaas oo midina ay tahay dowlad wax soo saar leh, midna ay tahay dowlad qani ah.

3- Inuu lumiyay fursad uu wax uga badalo nidaamka siyaasadeed ee dalka ka jira, iyo inuu doorasho guud dalka dhan ka hirgaliyo.

4- Inuu lumiyay taageeradii faraha badnaa oo ay shacabka Soomaaliyeed u hayeen, oo aanu helin madaxweyne ka horreeyay, wuxuuna helay taageero shacbi ah oo weyn.

5- Inuu lumiyay fursad uu ku dhisi karay ciidamo qaran iyo sugidda amniga iyo inuu wax ka qabto amniga magaalada Muqdisho.