Xog: Shirkii maanta oo hab yaab leh go’aan looga gaaray arrinta Cabdi Xaashi iyo Gobollada Waqooyi

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka wadatashiga ah ee madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uga furmay magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ku bilaawday dood adag oo ka dhalatay dalabkii guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo maalin ka hor uu Cabdi Xaashi ka codsatay in lagu casuumo shirkaas, si khilaafka ka jira arrinta gobollada waqooyi ay metelaad u hesho ayaa doodiisa keenay shirka.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ugu horeynba madaxda hor dhigay codsi ah in shirka lagu casuumo Cabdi Xaashi, balse dood badan ayey arrintaasi ka dhex abuurtay madaxda, waxaana ugu dambeyn loo qaaday cod.

Madaxweynayaasha afarta maamul goboleed ee kala ah Jubbaland, Puntland, K/Galbeed, HirShabeelle iyo duqa Muqdisho ayaa diiday in Cabdi Xaashi laga qeyb geliyo shirkaas, halka madaxweyne Farmaajo uu ka aamusay, waxaana ogolaaday oo kaliya Qoor Qoor, sidaas ayaana looga gudbay doodii ka dhalatay casuumaada guddoomiyaha Aqalka Sare ee shirka.

Ilo aad ugu dhow shirka socda ayaa sheegaya in ugu dambeyn ay madaxdu isku raaceen in arrinta gobollada waqooyi oo aan metelaad ku laheyn shirkaas xal u helideeda loo daayo guddoomiye Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, isla markaana wixii ay isku racaan u soo gudbiyaan madaxda Qaranka inta uu socdo shirku.

Inkastoo ajandayaasha shirka Dhuusamareeb ay qeyb ka tahay arrinta Somaliland, hadana ma jiro mas’uul ku metelaya shirkan dhinacyada ka soo jeeda gobollada waqooyi, taas oo guddoomiye Cabdi Xaashi ku dhalisay in uu dalbado in lagu casuumo shirka, balse laga diiday.

Madaxda heer federaal, heer dowad goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa mar kale  caawa fiidkii ah shir labaad isugu yimid. Qodobka xiga ee hadda miiska u saran madaxda ayaa ah arrinta gobolka Gedo, hadii inta caawa ah Gedo xal laga gaarana waxaa loo gudbayaa tan guddiyada doorashada.

Madaxda ayaa ka mideysan in waqtigu aad u kulaalayo, waxayna ku dadaalayaan in caawa laga gudbo is mari-waaga ka taagan arrimaha guddiyada iyo G/Gedo, kuwaas oo hadii ay u suurta gasho u sahleysa, in berri lasoo gaba-gabeeyo shirka, si madaxweyne Farmaajo uu 5-ta bishan oo Jimcaha ku beegan u hor tago baarlamaanka.