Mahad Salaad oo sheegay sabab yaab leh oo ay ku doorteen goobta dibad-baxa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay banaanbaxa ay iclamiyeen golaha midowga musharaxiinta ayaa shaaciyey sababta ay u doorteen in banaanbaxaas lagu qabto fagaaraha taallada Daljirka-daahsoon.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan la socon xaaladda ka jirta dalka, isla markaana laga ilaaliyey inuu dhageysto Idaacad ama daawado TV, sidaas darteedna ay u doorteen in la maqashiiyo qeylada oo aad loogu dhawaado, sida uu hadalka u dhigay.

Mahad Salaad ayaa ugu horeyn qoraalkiisa ku yiri, “Galabta ayaan Muqdisho ku soo laabtay si aan uga qaybgalo bannaabaxa maalinta Jimcaha Farmaajo loogu sheegayo in uusan Madaxweyne ahayn oo muddo xileedkiisii mar hore dhamaaday.”

Qoraalka Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray, “Waxa la ii sheegay maalmahaan duqa in aan loo ogolayn in uu dhagaysto ama daawado Idaacad iyo Telefishin midna. Waxa kaliya ee warkooda uu maqlana ay yihiin Wadaad Kitaab Gaablow ah oo Afgooye laga keenay iyo Fahad oo sidii rooxaanta habeenkii saqda dhaxe u yimaada una laqima talqiinta xabaasha lkn duqu u heysto duco lagu gaaro xukun adduun in ay tahay, cid u fasirtana wali uusan helin inlee looma oggolee. Waana sababta aan u dooranay Daljirka Daahsoon si daaqada qolkiisa uu codkeena uga maqlo dharaar cad.”

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in sheekada qeybteeda ku saabsan Fahad Yaasiin aysan dadku wada fahmi karin, balse uu la sugayo fursad kale oo uu ku fahansiiyo.

“F.G. Sheekada Fahad intiina badan hada ma fahmi kartaan lkn hadhow isagoo geed kale saaran markaad yaqiinsataan ayaan sidaan si ka ballaaran idinkugu iftiimin doonaa inshaa’allah,” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Tan iyo markii mucaaradku iclaamiyey banaanbaxaas in la qabto maalinta Jimcaha ah ee soo socota, waxaa soo xoogeysanaya hadallada siyaasiyiinta taageeraya in la qabto banaanbax nabadeed, halka madaxda dowladda federaalka lagu tuhmayo inay dejinayaan qorsheyaa looga hor tegayo banaanbax ay qabtaan mucaaradku.

Marka laga soo tago labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa ku kala aragti duwan banaanbaxa la iclaamiyey, maadaama ay kala taageersan yihiin labada dhinac.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka ayaa ka walwalsan in xaaladdu xumaato oo gaarto gacan ka hadal, banaanbaxyaduna joogsa diidaan, taas oo aan maanta dan u aheyn dalkan ka soo kabanaya colaadaha sokeeye.