Shabaab oo sababo yaab leh Bu’aale ugu dishay 5 qof

Bu’aale (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla magaalada Bu’aalle ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe waxay ku dileen shan nin oo ay ku eedeeyeen falal basaasnimo oo iyaga ka dhan ah.

Al-Shabaab waxay sheegeen in raggaan ay ahaayeen shabakad isku xiran oo la shaqeyneysay sirdoonka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwo caalami ah.

Dilal iyo duqeymo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda ayaa lagu eedeeyey inay masuul ka ahaayeen shanta nin ee lagu dilay fagaaraha Bu’aale.

Al-Shabaab waxay sheegeen in shabakabadaas uu hoggaamiye u ahaa Maxamed Soomoow Ibraahim oo isaga ay gowrac ku dileen, halka afarta kale mid mid loo toogtay.

Afarta nin ee kale ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cusmaan Maxamuud oo ahaa wiil yar oo 16-sano jir ah, Ismaaciil Saciid Kariib, Maxamed Axmed Aadam iyo Cabdulqaadir Xasan Cali.

Dhulka ay Al-Shabaab ka maamulaan Soomaaliya waxaa sidaan oo kale joogto loogu dilaa dad intooda badan ay ku eedeeyaan basaasnimo, xatooyo, gogol-dhaaf iyo eedeymo kale oo cabsi xoog leh ku abuuray dadka ku nool deegaanada ay dalka ka joogaan.