Xog: Qoor Qoor iyo Lafta-gareen oo diidan ka qeyb-galka shirka xarunta Xalane 

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo muhiim ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay diidan yihiin shirka la qorsheeyey inuu dhaco magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadli doono muranka la xariira doorashada Soomaaliya. 

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa noo sheegay in ilaa hadda ay Qoor-Qoor iyo Laftagareen ku maqan yihiin dalka Turkiga islamarkaana aysan qorshaha ugu jirin in ay soo baxaan dhowaan si ay uga qeyb galaan shirka muhiimka ah ee looga hadlayo doorashooyinka dalka. 

“Wali ma go’aansan inaa imaano, haddii ay dhacdana waxaan qaadan doonaa waqti si ay noo sugaan inta aan sugi jirnay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ku dhow Qoor Qoor.

“Inaa muhiim nahay ayaa rabnaa inaa dareensiino beesha caalamka si aan muhiim loogu arkin oo kaliya qofkii wax diida, Deni iyo Axmed-na waxaan rabnaa inaa tusino sugitaanka dhibka ay leedahay maadaama aan waligeen annaga sugi jirnay,” ayuu yiri.

Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Axmed Cabdi Kaariye ayaa muddo ka badan 10 maalmood waxay ku sugan yihiin dalka Turkiga iyadoo ay xusid mudantahay in ay ahaayeen madaxda ugu horreysa ee iska xaadiriya goobaha lagu qabanayo shirarka doorashada Soomaaliya. 

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa sidoo kale qorshaha uu yahay in xitaa marka ay yimaadaan Muqdisho ay dalbadaan in shirka uu ka dhaco Villa Somalia, oo aysan dooneyn inay uga qeyb galaan Xalane.

Qorshahan ayaa waxaa gadaal ka riixaya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Farmaajo oo dejiyey dhowr qorshe oo kala duwan oo uu ku fashilinayo shirka Xalane.