Maxaa kasoo baxay kulankii Axmed Madoobe, Deni iyo Midowga Musharixiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa maanta si wadajir ah xarunta Xalane kulan kula yeeshay midowga musharaxiinta iyadoo wali aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulanka wuxuu ku saabsanaa mid looga hadlay xaaladaha hadda ka taagan dalka oo ay ugu weyn tahay sidii loo qaban lahaa doorasho xor oo xalaal ah, waxaana la fahamsan yahay in labadaan madaxweyne iyo midowga musharaxiinta ay aad isugu dhaw yahiin aragti ahaan.

Madaxweynahii hore Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal uu ku cadeynayo ujeedada kulankii maanta ay la yeesheen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

“Kulanka Golaha Midowga Murashaxiinta, iyo M/weynayaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu qeyb kayahay dadaalka loogu jiro sidi dalka looga qaban lahaa doorasho xalaal ah, heshiis lagu wada yahay, oo si nabad ah ku dhacda,” ayaa lagu soo qoray bogga Shariif.

Wadahadalkaan halka maalin ah ayaa kusoo aadaya xilli la wada sugayo in dhawaan uu shir uga qabsoomo Muqdisho madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, kaas oo la rabo in go’aan looga gaaro arrimaha doorashooyinka .

“Midowga murashaxiinta ayaa kulan miradhal ah la qaatay labada madaxweyne ee dawlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Waxaan ka wada hadalnay sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho loo simanyahay, la isla ogolyahay, si nabad ah ku dhacda,” qoraalkaan waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabsiraxmaan Cabdishakuur Warsame.