Muxuu musharax Jabriil kala hadlay Cali Guudlaawe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qoraal uu soo saaray uga warbixiyey kulan gaar ah uu maanta magaalada Muqdisho kula yeeshay madxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, kaas oo ay isaga wareysteen xaaladda guud ee dalka.

Musharax Jabriil Ibraahim ayaa sheegay in kulankaas ay diiradda ku saareen arrimaha doorashooyinka, geedi socodka iyo mustaqbalka dowaldnimada Soomaaliya.

“Kulanka aniga iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe na dhexmaray waxaa uu ahaa mid muhiim u ah geedi socodka dowladnimo, mustaqbalka dalka iyo shirka lagaga hadlayo arimaha doorashooyinka ee dhawaan ka dhici doona Magaalada Muqdisho, maadaama aan is weydaarsanay dhowr qodob oo xal wada jir ah keeni kara, hadana waxaa si shaqi ugu booriyay in qeyb weyn ka qaato xal u helida dhibaatooyinka ku xeeran hirgelinta doorasho la wada ogol yahay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Sidoo kale Jabriil ayaa sheegay in Cali Guudlaawe ay si qota dheer isaga wareysteen muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay isu tanasulka iyo ka fogaanshaha wax kasta oo dadka sii kala fogeyn kara.

“Sidoo kale waxaan si qota dheer uga sheekeysaney ahmiyadda ay leedahay tanasulaadda iyo in laga fogaado wax yaabaha kala fogaanshaha dhalin kara, iyadoo lagama maarmaan ay tahay in mar walba la hormariyo danta guud iyo jiritaanka qaran Soomaaliya,” ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ah Musharax xilka Madaxweynaha Soomaaliya sanadkan 2021-ka.