Xog: DF Somalia oo bixin la’ lacagtii ay maalmo ka hor ballan-qaaday + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Qaranka, waxaa muddo ka badan 15 maalmood ay wasaarada weysan tahay lacag dhan 100 kun oo dollar, taas oo la sheegay in ay aheyd lacag loogu talagalay in gargaarkii ugu horreeyay lagu gaarsiiyo shacabka gobalka Gedo. 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu u sheegay Wasiir Khadiijo in uusan heli karin lacagtaas oo uu amray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Sidoo kale Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aysan hada heli karin lacagtaas balse ay sameyn doonaan baadi goob deg deg ah. 

Tani ayaa muujinaysa in qasnada dowladda aysan lacag ku jirin xili ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay maalmahan wajaheyso dhaqaalo la’aan xoog leh. 

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Soomaaliya laga goostay lacago badan ay ka heli jirtay dowlado iyo hay’ado caalami ah oo ka taageera dhinaca miisaaniyadda. 

Wararkii ugu dambeeyay ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in carruur badan ay gaajo iyo harraad ugu dhinteen degmooyin ka tirsan Gobalka Gedo. 

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u sheegay xubnaha beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka ka dalbadeen in laga caawiyo abaaraha dalka ka jira waxayna arrintaas sii xaqiijineysaa in wali lacag la’aan ay heyso dowladda Soomaaliya.