Maxey yahiin lixda qodob ee ay KENYA ‘ku diidan tahay’ kiiska dacwadda BADDA?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa ku wargelisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka in aysan ka qeyb geli doonin dhgeysiga dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.

Dowladda Kenya ee muranka galisay Badda Soomaaliya ayaa tabaneysa cadalaad darro ka jirta maxkamadda ICJ, taasoo diiday in dib loo dhigo kiiska markii afaraad, waxeyna marmarsiyo ka dhigatay xanuunka COVID-19.

“Kenya waxa ay jeceshahay in ay ku wargaliso maxkamada, iyada oo u sii marineysa Diiwaanhayaha, in aysan ka qeyb galeynin dhageysiga kiiska halkaan ku xusan, hadii ay u socoto si isku mid ah laga bilaabo Maarso 15, 2021, sida hada loo qorsheeyay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Paul Kihara Kariuki.

Warqadaan waxaa la gaarsiiyay maxkamadda cadaaladda adduunka ee Holland ku talla taariikhdu markey aheyd March 11 taas oo uu u qoray Phillippe Gautier, diiwaan hayaha maxkamada.

Iyadoo ay taasi jirto ayey Kenya ku doodaysaa waxa ay ku sheegtay in ay cadaalad daro ka tirsanayso maxkamada iyo in uu garsoorayaasha xubin ka yahay madaxweynihii hore ee ICJ Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah muwaadin Soomaaliya.

QODOBADA AY KENYA KU DOODEYSO:

Maxay yihii qodobada Kenya ku doodayso in maxkamadda dib loogu dhigo

1 – Kenya waxa ay ku doodaysaa in ay maxkamadda cadaallada aysan labada dhinac u sinayn, oo ay u xaglineyso Soomaaliya.

2 – In ICJ diiday dalabkii Kenya ee dib loogu dhigi lahaa kiis dhagaysiga.

3- In faafitaanka cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska.

4 – Kenya ayaa ku dooday cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri

5 – Kenya ayaa sheegtay in kiiskeeda uu ku dhisan yahay inay qaab sawir ahaan wax u muujiso, sidaas darteedna aan fulin karo video.

6 – In garsoore Abdulqawi Ahmed Yuusuf oo ah Soomaali, uu qeyb ka yahay garsoorayaasha kiiska, ayada oo ay sheegtay in ka qeyb-galkiisa “aysan Kenya siineyn kalsooni.”

In kasta oo ay Kenya ka laabatay, haddana Maxkamadda ICJ waxa ay sii wadi kartaa dacwadda oo waxay samayn kartaa xukun iyada oo adeegsanaysa doodihii ay Kenya horay u gudbisay.