Go’aankii taariikhiga ahaa ee madaxweyne Xasan oo ay guushiisa soo dhowaatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 24-kii August 2014 qaatay go’aan taariikhi ah, ayada oo Soomaaliya ay si rasmi ah ugu gudbisay maxkamadda ICJ dacwad ka dhan ah Kenya, oo isku dayeysa inay qaadato qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya.

Go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilligaas laga bixiyey aragtiyo kala duwan, ayada oo dadka qaar ay u arkeen habka kaliya ee Soomaaliya ay dhul-badeedkeeda ku difaacan karto, halka kuwa kalena ay u arkeen halis maadaama aan la ogeyn waxa uu noqon karo go’aanka maxkamadda.

Hase yeeshee, madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu go’aankiisa ku saleeyey talooyinka sharci-yaqaanadda badda, oo ogaa in Kenya aysan haysan dood xooggan oo meel kasta oo sharciga laga eego aysan qiil u heli karin inay qaadato badda Soomaaliya.

Waqti badan ma qaadan in Kenya ay muujiso wixii ay tuhmayeen sharci-yaqaanada, waxayna durba diiday inay kiiska ka qeyb-gasho, ayada oo maxkamadda ka furtay diidmo horudhac ah, oo ay ku sheegeysay in maxkamadda aysan sharciyad u lahayn inay kiiska qaado, taasi oo looga adkaaday lana guda galay kiiska.

Hase yeeshee wixii markaas ka dambeeyey, Kenya waa lagu kari waayey inay maxkamadda soo joogsato, ayada oo marba marka ka dambeysay codsaneysay dib u dhigis ay mid kale ku xigto, taasi oo maxkamadda ay laba goor aqbashay balse ku gacan seertay markii saddexaad.

Ugu dambeyntii, Kenya ayaa 11-kii bishan si rasmi ah u muujisay tuhunkii muddo laga qabay ee ahaa inaysan diyaar u aheyn in lagu kala baxo maxakamadda cadaaladda, wuxayna si rasmi ah uga baxday gebi ahaan kiiska, ayada oo dhowr cudur daar oo lagu qoslo adeegsaneysa.

Go’aanka Kenya wuxuu guul weyn u yahay Soomaaliya, wuxuuna ayidayaa go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh uu Kenya ku geeyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ, si uu uga difaaco baddeena.

Waxa kaliya ee Maxkamadda hadda laga doonayo ayaa ah inaysan u dhego nuglaan go’aanka Kenya ay uga baxday kiiska, oo ujeedkiisu yahay in lagu qasbo dib u dhigis kale, ayada oo xaqiiq ay tahay in Kenya haddii sidaas loo yeelo, ay marka xiga haddana sidan oo kale la iman doonto qiil cusub.

Maxkamadda waa inay qaadataa go’aanka saxda ee ah inay kiiska dhageysato ayada oo Kenya ay ka maqan tahay, kadibna ay gaarto go’aanka laga filayo ee ah in badda ay sheegeneyso Kenya ay tahay midda Soomaaliya.

Tani waxay soo geba-gebeyn doontaa sugitaankii lixda sano ka badan qaatay ee shacabka Soomaaliyeed, waxayna taariikhda dalkeena meel sare uga qori doontaa go’aankii dhiiranaanta lahaa ee madaxweyne Xasan Sheekh uu Kenya ku geeyey maxkamadda ICJ.