Muxuu go’aanka Kenya ka dhallan kara, maxaase laga filayaa maxkamadda ICJ?

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa isaga baxday dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, taas oo hor taalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, isla markaana Isniinta berri loo balansan yahay dhageysiga u dambeeya ee kiiskaas.

Sida uu baahiyey Wargayska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya xeer ilaaliyaha guud ee dalkaas ayaa ka qaybgelid la’aanta dhageysiga kiiskaas u sababeeyey cudurka COVID-19, qareennadooda oo aan meel iskugu imaan karin cudurka dartiis, maxkamadda oo ku gacanseyrtay dalabkoodii waqti dheeraad ah oo ay isku soo diyaariyaan iyo qodobo kale.

Hadaba maxaa dhici kara hadii dowladda Kenya ay go’aakeedaasi ku adkaysato oo aysan ka qeyb gelin doodaha is difaaca ah ee Isniinta laga hor jeedin doono maxkamadda? maxaase laga filan karaa maxkamadda oo go’aan ah?

Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad waa mid ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ka faalooda arrimaha Geeska Afrika, waxuuna su’aalahaas uga jawaabay wareysi uu siiyey VOA.

“Qodobka 53-aad ee sharciga maxkamadda addunka waxuu dhigayaa hadii mid ka mid ah labada qolo ee is heysata uu hor tegi waayo maxkamadda, kan kale waxuu fursad u heytaa inuu yiraahdo ‘anaga noo xukuma’ laakiin markii aad fiiriso qodobada kale ee sharciga maxkamaddu waxay uga baahaneysaa dalka wax loo xukumaayo cadeymo dhameystiran oo sax ah, kuwaas oo ku filan go’aan ay kiiskaas ka qaadan karto maxkamaddu,” ayuu yiri Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Waxa uu sheegay in berri oo Isniin ah – 15-ka Maarso ay maxkamaddu guda geli doonto howsheeda, isla markaana la dhageysanayo dooda garabka jooga ee Soomaaliya.

Prof. Cabdiwahaab Sheekh ayaa sheegay in maxkamaddu ay awood u leedahay xukunka kiiskan, isagoo tusaale u soo qaatay kiis sidaan oo kale ah oo ka dhaxeeyay dowladaha Shiinaha iyo Filibiin, kaas oo Shiinaha ku kalifay inuu isaga baxo diiwaanka maxkamadda, balse ICJ markii ay dhageysatay kiiskaas ay u xukuntay Filibiin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli Kenya ay dooneyso in kiiskaan lagu xaliyo si derisnimo iyo walaalnimo ah, iyadoo la kaashaneysa Midowga Afrika, “Waligeed Kenya waxay ku dadaaleysay in si Afrikaanimo ah loo wada-hadlo, laakiin dowlada Soomaaliya hadii ay ka yeeleyso iyadey u taallaa,” ayuu yiri.

“Hadii maxkamaddu ay kiiskaan u xukunto Soomaaliya ama Kenya laba gooraba xiisadu cirka ayey isku shareeri doontaa, waxuuna kiiskaan amuurayaa xiisad hor leh oo dhex-marta labada umadood iyo labada dowladood, marka waxay ku haboontahay inay ka wadahadlaan madaxda labada dal oo loogu heshiiyo si walaalnimo iyo derisnimo ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Hoos ka dhageyso wareysiga