Al-Shabaab oo xalay weerar culus ku qaaday degmada LUUQ ee gobolka GEDO

Luuq (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno gobolka Gedo waxay sheegayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerar culus ku qaadeen fariisin ciidamada xooga dalka ay ku leeyihiin degmada Luuq ee gobolkaasi Gedo.

Al-Shabaab ayaa ciidamada dowladda ku weeraray Bar-control oo ay ku leeyihiin Buundada degmada Luuq-Ganaane, waxaana halkaas ka dhacday is-rasaaseyn xoog leh oo mudo saacad ku dhaw socotay, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada dowladda ayaa iska caabiyey weerarkii uga yimid Al-Shabaab, waxaana dib uga laabtay degmada kooxdii soo weerartay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Luuq ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii ay la galeen kooxdii ku soo weerartay degmadaas oo ay sheegeen inay tahay Shabaab.

Wararku waxay sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray labada dhinacba, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiiji karin inta uu la egyahay.