Riwaayad laga sameeyay FARMAAJO oo qasbatay baraha bulshada (Daawo)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saacadahii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada heystay riwaayad laga sameeyay xaaladda dalka, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warbaahinta Universal TV ayaa todobaadkaan sii deysay muuqaal aad ugu baahay baraha bulshada, waa qeyb ka mid ah sheekooyinka isbuuclaha ah oo ay soo daayaan.

Sheekada Guuxa Dadweynaha ayey qeyb ka aheyd, waxaana qeybtaan loogu magac daray, Dalkaan haloo daneeyo, Hadii Kale..”. Riwaayadaan waxaa hormuud u ah nin dab wata kaas oo wixii talo ahaa inta diiday, xalka uu noqonayo iney la hadlaan beesha caalamka iyo UN-ka, taasoo si cad ay ugala jeedaan Farmaajo.

Muuqaalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli beesha caalamka ay cadaadis xoog badan saareyso hogaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya, waxaana qoraalkii ugu dambeeyay oo maanta soo baxay lagu sheegay wada fariistaan kana heshiiyaan arrimaha doorashooyinka dalka.

HALKAAN KA DAAWO: