Xog: Isbeddel ku yimid qorshihii shirkii Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Qorshihii shirkii ay beesha caalamka soo qaban qaabisay ee Afisyoone ayaa u muuqda inuu isbeddelay, ayada oo beesha caalamka ay go’aansatay in maalmo dib loo dhigo, si si hoose loo xaliyo arrimo la isku hayo ka hor inta aanu shirka furmin.

Shirka ayaa qabsoomi waayey kadib markii dowladda ay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ay shirka ku fashilineyso, taasi oo ka carreysiisay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland. Waxaa tallaabooyinkaas ka mid ahaa ciidankii uu Saciid Deni sheegay in lagu hareereeyey Xalane, kuwii garoonka diyaaradaha la geeyey, ajendihii shirka oo ayadoo aan laga heshiis ay dusisay Villa Somalia iyo Farmaajo oo weli diidan inuu wareejiyo awoodda.

QM ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku tiri “QM waxay qireysaa kulankii maanta ee horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka September.” 

Caasimada Online ayaa ogaatay in shirka dib loo dhigay, islamarkaana si hoose loogu kala dab qaado dhinacyada, si loo xaliyo qodobada la isku hayo, kadibna ayada oo aany jirin caqabado kale shirka dib loo furo si deg deg heshiis loogu gaaro.

Si kastaba, Farmaajo iyo madaxda taabacsan ayaa mar kale maanta ku kulmaya Afisyoone, hase yeeshee waxaa ka maqan Axmed Madoobe iyo Deni.

Shirka ayaa shalay waxaa ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha taabacsan, hase yeeshee dowladda ayaa kahor shirka qaaday tallaabooyin lagu fashilinayo, ayada oo ujeedkuna uu ahaa in shirka la tago kadibna Saciid Deni iyo Axmed Madoobe loo muujiyo kuwa wax diidan.

Axmed Madoobe iyo Deni oo ka carrooday tallaabada ay qaaday dowladda ayaa dalbanaya qodobo ay ka mid yihiin:

1- In amniga goobta shirka la sugo, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo ciidankiisa ka saaro Xalane si loo helo kalsooni amni iyo wadahadal caafimaad qaba. Inkasta oo amniga shirka ay damaanad qaaday Amisom, haddana waxaa la rumeysan yahay in ciidamada dowladda ay weli ku jiraan qeybo ka mid ah Xalane.

2 – In madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada.

3 – In hogaaminta shirka loo dhiibo beesha caalamka maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha islamarkaana uusan laheyn sharciyad uu ku hogaamiyo, ama hoggaan la iska dhex-doorto balse ay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo.

4 – In laga wada heshiiyo ajandaha shirka oo ay horey shaacisay Villa Somalia iyadoo aan kala tashan maamulada kale ee dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

5 – In shaqada laga joojiyo taliyayaashii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday mucaaradka 19-kii February.

Ma cadda sida xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxay u muuqataa in xalka doorashada aanu weli dhoweyn.