Midowga Murashaxiinta oo digniin culus soo saaray ka hor kulanka BF ee Sabtida

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa diginin culus u diray guddoonka Golaha Shacabka, sidoo kalena dalbaday in Farmaajo uu faraha kala baxo hanaanka doorashooyinka qaranka. Hoos ka aqriso qoraalka Golaha.

War-saxaafadeed

Golaha Midowga Murashixiinta wuxuu uga digayaa guddoonka Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday in ay qaadaan tillaabo lagu dibindaabinayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka, sidii ay 12 kii Abriil 2021, iyaga iyo tiro kooban oo xildhibaano ah u qateen go’aan sharci darro ah oo dalka u horseeday qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. 

Goluhu wuxuu caddaynayaa in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad C/llaahi Farmaajo uu yahay caqabadda ugu wayn ee hortaagan heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka, sidaas darteed wuxuu Goluhu ku baaqayaa in uu faraha kala baxo hawlaha doorashooyinka, isla markaana banneeyo xafiiska uu sida sharci darrada ah ku degan yahay ee Villa Somalia. 

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Raysal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta in uu si buuxda ula wareego hoggaanka doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka. Tillaabadani waxay sahlaysaa dib u midaynta iyo kalsooni dhiska ciidanka qalabka sida ee ku kala qaybsamay diidmada muddo kordhinta sharci darrida ah. Waxay kaloo xoojinaysaa kalsooni lagu qabi karo hufnaanta doorashooyinka, maadaama uu Raysalwasaaruhu murashax u ahayn xilka madaxtinimada dalka. 

Goluhu wuxuu dawlad goboleedyada xubanaha ka ah dawladda federaalka ugu baaqayaa in ay Xukuumaddu ku garab siiyaan hoggaaminta amniga iyo doorashooyinka dalka, si dalka looga samata bixiyo qalalaase amni iyo doorasho la boobo.