ZAHRA Siyaad Neeleeye oo ka hadashay sababta ay ku heshay abaal-marinta

Amesterdam (Caasimada Online) – Marwo Zahra Naaleeye Waxay ka tirsan dalad ururka FSAN ee dalka Nederland , caanna ku ah ololaha ka hortagga gudniinka gabdhaha, ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta loo yaqaan ” Officier in de Orde van Oranje-Nassau” oo ah abaalmarin ay bixiso boqortooyada dalka Nederland.

Abaalmarintan ayaa la siiyaa dadka loo arko in ay door muhiim ah kaga jiraan horumarinta & kor u qaadista wacyiga bulshada, iyada oo Zahra muddo ka badan 20 sanno hormuud u aheyd wacyigelinta dadka magangelya-doonka ah, ee dhinacyada caafimaadka & la socodsiinta shuruucda dalkan.

Zahra, ayaan wax ka weydiinay abaalmarintani waxa ay kaga dhigan tahay iyo waxa ay ku muteystay, waxaana ay ku jawaabtay:

“Abaalmarintan waxaa la bixiyaa sanad kasta xilliga ay ku beegan tahay dhalashada boqorka, dadka la siiyo waxaa lagu qiimeeyaa waxa ay bulshada ku soo kordhiyeen, anigu waxaan ku muteystay howlihii adkaa ee aan ka soo qabanay dhanka wacyigelinta iyo tabaradda arrimaha la xiriira ka hortagga gudniinka gabdhaha oo gaar ahaan agaasinkooda masuul ka ahaa.”

Zahra oo saxaafadda la hadashay, waxaa kale oo ay ku nuuxnuuxsatay in markii hore shaqadeedu ay ku koobneyd Soomaalida oo keliya, oo ay ka caawin jireen marka ay dalkan soo galaan, la socodsiiyaan shuruucda dalkan, gaar ahaan hooyooyinka oo lagu wargelin jiray in ay mamnuuc tahay nuuc kasta oo gudniinka gabdhaha.

“Dalkan waxaan soo galnay annaga oo habqan ah, oo aynaan wax badan kala socon sharciyada Yurub, annaga oo kaashanayna wasaaradda caafimaadka waxaan ku guuleysanay in dadku ay helaan xogag ku filan oo dhinac walba ah” Ayeey tiri Zahra, waxayna u mahadcelisay ururka Pharos, GGD & Veilig thuis, ururadda bulshada iyo wacyigaliyaasha oo ay soo wada qabteen howlo muhiim ah.

Zahra waxaa la weydiiyey waxa ay Soomaalida ku dhaqan Holland kaga dhigan tahay abaalmarinta ay ku guuleysatay.?

” Anigu jinsiyadeydu waa Soomaali, mararka qaar waxaan aragnaa in Soomaalida lagu tilmaamo in ay yihiin ma shaqeystayaal qaata ceyr, sawirkaas ayeey wax ka bedeleysaa, laakiin aniga keliye ma ihi waxaa jira dad badan ee Soomaliyeed oo kaalin muhiim ah bulshada kaga jira, dalkanna magac ku leh, shaqooyin wanaagsana haya” Ayeey tiri Zahra.

Zahra waxay sheegtay in dhinacyada ay caawiyaan aysan aheyn Soomaalida keliya, ee sidoo kale ay tababaro siiyaan dadyowga kale ee qaxootiga ah sida wadamada Afrikaanka, Ciraaqiyiinta kurdisha.

“inaan dadyowga kale ee ajnabiga caawino waxaan ku helnay qiimo dheeraad ah oo na lagu aaminay, ayna nagu taageereen hay’adihii dowladda, oo ay ugu horreeyso wasaaradii caafimaadka oo nagu taageertay, waxaana u sabab aheyd aqoontii iyo waaya-aragnimadii aan dhaxalnay waqtiga dheer ee aan soo shaqeynay oo aan kasbanay kalsooni” Ayeey tiri Zahra waxayna intaasi sii raacisay in ay tababar siiso shaqaalaha kala duwan caafimaadka ka shaqeeya, arrimaha bulshadaiwm.

Zahra waxaa kale oo ay sheegtay in ay ugu baaqayso Soomaalida, in ay joojiyaan caadada duuga ah ee gudniinka gabdhaha

“Waxaan la soconaa in weli dalkeenu si xooggan lagaga dhaqmo gudniinka gabdhaha, waxaan juhdi kasta ku bixinay, kuna bixin doonaa sidii loo joojin lahaa dhaqankaasi, qof keligii wax kama qaban karo, waxaan soo jeedinayaa inaan dowlad & shacabba u guntano sidii loo joojin lahaa dhaqankaasi” Ayeey tiri Zahra.