Waxa laga filan karo kulanka golaha shacabka ee maanta iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa la filayaa inay maanta kulmaan ayada oo uu hor-iman doono madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo hadal u jeedin doona.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu xildhibaanada ka codsado inay ka laabtaan muddo kororsiga, islamarkaana ay taageeraan heshiiska 17-ka September, si la isugu dayo in dalka uu doorasho galo, ayada oo dib loo furayo wada-hadalladii ku aadanaa dhameystirka heshiiskaas.

Hase yeeshee, kulanka maanta ayaa waxaa hareeyey hubanti la’aan iyo cabsi xooggan oo ku aadan in guddoomiyaha baarlamanka uu qaato go’aan qalalaalse kale dalka u horseedaya, isaga oo la shaqeynaya Farmaajo, si la mid ah go’aankii 12-ka April ee muddo kororsiga.

Cabsida ugu xooggan ayaa waxay ka jirtaa in la isku dayo in xilka laga qaado ra’iisul wasaare Rooble, laguna adkeysto muddo kororsiga. Inkasta oo Mursal uu si shaacsan u beeniyey arrintan, haddana guuxa la xiriira ayaa weli ka dhex-jira xildhibaanada, waxaana socda hadal hayn badan.

Waxaa suurta-gal ah in kulanka maanta uu ku ekaado hadal jeedinta Farmaajo oo kaliya, laguna kala tago, balse dib loogu ballamo kulan kale oo lagu eegayo arrinta doorashada.

Wax kasta oo ay ahaataba, isku day kasta oo al xiriira ku adkeysashada muddo kororsiga iyo xilka ka qaadista Rooble, ayaa dadka siyaasadda fallanqeeya waxay u arkaan is-miidaamin siyaasadeed, oo si buuxda usoo afjari doonta mustaqbalka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Mursal.

Waa tan koowaadee, Farmaajo hadda ma haysto awood ciidan oo uu xukunka kusii joogo kadib markii ciidamada militariga ay laba u kala jabeen oo qaarkood ay diideen xukun dheereysiga, sidoo kalena dhammaan siyaasiyiinta Hawiye, oo ay ku jiraan Rooble, Guudlaawe iyo Qoor Qoor ay diideen muddo kororsiga.

Waa tan labaadee, waxay soo afjari doontaa dulqaadka yar ee Farmaajo ugu haray dalalka beesha caalamka qaarkood, kuna qasbi doontaa inay qaataan go’aan looga wareejinayo maamulka doorashada dalka, looguna aqoonsanayo qaswade, laga go’doomiyo caalamka intiisa kale.

Haddii arrinta muddo kororsiga ama xil ka qaadista Rooble aysan labadaba dhicin, waxaa suurta-gal ah in baarlamanku laalo muddo kororsiga, laguna laabto wada-hadallo cusub, kadibna sidii lagu yaqaan Farmaajo uu mar kale ciyaaro siyaasad kale oo ila-meereyso ah.

Dhinaca kale, inta badan xildhibaanadii horey uga shaqeeyey muddo kororsiga oo ku dhowaa 60 ayaa badankood ka cararay Muqdisho oo dibadaha aaday markii ay soo galeen ciidanka diidan muddo kororsiga, ayaga oo ka cabsanaya in loo beegsado qaladkii iyo sharci-darradii ay sameeyeen ee xiisadda siyaasadeed gelisay dalka, waxaana suurta-gal ah in kooram la’aan ay ku dhacdo kulanka.

Si kastaba, Mursal oo marar badan qabtay kulamo sharci-darro ah, sharciya badanno saxiixay ayada oo aanu kooramka buuxin, sida kulankii muddo kororsiga oo ay joogeen kaliya 56 xildhibaan, ayaa mar kale la filayaa inuu kulanka qabto isaga oo sharci-darro ah.