Daawo Tarsan: Madaxweyne Farmaajo afartaada sano waa dhamaatay ee berri adigoo sharaf leh xilka iska dhiib

Muqdisho (Caasimada Online)- Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Farmaajo ayaa soo duubay muuqaal tallo iyo tusaaleyn ah oo ku socda mucaaradka iyo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday.

Tarsa ayaa labada dhinac ka codsaday in dalka iyo dadka loo turo wax walbana lagu dhameeyo wada hadal iyo tanaasul, maadaama koox walba ay hami ka leeyihiin inay dalka hoggaamiyaan.

Tarsan ayaa si adag ula hadlay mucaaradka isagoona ku eedeeyay in aysan danta dalka iyo dadka u tureyn ee ay danahooda kaliya eeganayaan, wuxuuna carabka ku dhuftay in dalal shisheeye ay qorshaha siyaasadeed iyo xasillooni daro in dalka la geliyo ay doonayaan dalalkaasi oo uu tilmaamay in maslaxadooda ay ku jirto xasilooni darada Soomaaliya.

Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu fiiriyo danta dalka, dalka iyo marxalada adag ee shacabka ku jiraan, dagaalna uusan xal u arag ee uu muujiyo tanaasul iyo wada hadal in wax walba lagu dhameeyo.

“Madaxweyne, waxaan ku leeyahay afartii sano waa dhamaatay, adigoo karaamo leh xilka ka tag, waqti baa haysataa adigoo sharaf leh, waxaan kaa rajeynayaa berito markaad baarlamaanta tagtid inaad iska dhiibto xilka, oo tiraahdo Soomaaliyeed waa soo shaqeeyay, waxaan rabay wadanka inaan dhiso, aragtideeda lahaa, laakiin dad baa i diiday, sidaas ayaa ugu tegay,” ayuu yiri Tarsan oo sheegay in haddii la isku dayo in ciidan la isu adeegsado sharaf xumo ay tahay.

Hadalka Tarsan oo aad u dheeraa ayaa waxaa micnahiisa uu kusoo koobay in tanaasulka uusan aheyn jab siyaasadeed, isagoona si adag ula taliyay Farmaajo in taariikhdiisa uusan kusoo gabagabeyn dagaal in xukunka lagu qabsado, isagoona tusaale usoo qaatay ra’iisul wasaarihii hore ee geeriyooday Nuur Cadde iyo Cabdiqaasim Salaad oo si sharaf leh ay  siyaasadda u xusto.