Wariye Axmed Xuseen oo ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Axmed Xuseen Cadow oo ka mid ahaa wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howl-galka caasimada, waxaana geeridiisa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa.

Marxuumka ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku xanuunsanaa gudaha magaalada Muqdisho, waxaana la dhigay isbitaalka Yardameli ,kadib wadno xanuun kusoo booday.

Geerida naxtinta leh ee ku timid marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyey bahda saxaafadda oo tacsi tiraanyo leh u diray ehellada iyo qaraabada Ex-Wariye Axmed Xuseen Cadow.

Sidoo kale waxaa geerida ku timid wariyaha ka hadlay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, isaga oo bahda saxaafadda iyo ehellada marxuumka u tacsiyeeyey.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Fardowso.

Marxuum Axmed ayaa ifka uga tegay Xaas iyo saddex Carrruur ah, wuxuuna hadda ka tirsanaa shaqaalaha Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho.