Dagaal saacado qaatay oo LAMU ku dhex maray Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhiga ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Kenay oo ku yaala deegaanka May-gaay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Weerarka kadib, waxaa bilowday iska hor-imaad dhex-maray ciidamada Kenya iyo dagaal-yahanada weerarka kusoo qaaday ee Al-Shabaab, kaasi oo qaatay in kabadan labo saac, sida ay dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online.

Dagaalka ayaa argagax hor leh ku abuuray dadka ku nool aaga deegaankaas, ayada oo hubka labada dhinac isku adeegsanayeen ay qaarkood ku dhaceen xaafadaha deegaanka May-gaay ee gobolka Lamu.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, marka laga imaado khasaaraha bulshada deegaanka kasoo gaaray dagaalkaas oo markii hore ku bilowday weerar ay Saldhiga kusoo qaadeen dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Kenya ee gobolka Lamu iyo kooxda Al-Shabaab ayaa weli wax faah-faahin ah kasoo saarin dagaalkaas oo saacado qaatay, waxaana lasoo warinaya inuu jiro khasaare labada dhinac.

Weerarka ayaa kusoo aadaya maalin ka hor un weerar noocan ah oo xili habeen ah ku qaadeen dagaal-yahano Shabaab ah Saldhiga ciidamada Kenya ee gobolka Wajeer.