Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani ayaa xalay yeeshay wadahadal dhanka teleefoonka.
Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.
“Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo dhiggiisa Dalka Qatar Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani, oo khadka telefoonka ku wada xiriiray ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah” ayaa lagu qoraalka.
Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya in labada Ra’iisul Wasaare ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ay Qatar doonayso in ay saameyn ku yeelato.
Dowladda Qatar ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey saameyn xoog leh ku laheyd doorashada Soomaaliya, waxayna afartii sano ee lasoo dhaafay taageero siineysay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaa muddooyinkii ugu dambeeyey jiray hadal heyn ku aadan in dowladda Qatar ay ka fakareyso sii wadista taageerada madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dhawaan ayey aheyd markii Agaasimaha hey’adda nabadsugidda Qaranka Fahad Yaasiin uu safar ku tagay dalka Qatar, isagoo Amiirka kala soo hadlay sidii uu usii wadi lahaa taageerada uu siiyo madaxweyne Farmaajo maadaama hadda lagu jiro xilli doorasho loona baahan yahay lacag xoog leh.