R/W ROOBLE oo mar kale u baxaya SAFAR dibadeed

Muqdisho (Caasimada Online)– Ra’isul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa wuxuu u baxayaa mar kale safar dabadeed kadib markii uu dhowaan kasoo noqday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Rooble ayaa la sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada Qaahira ee caasimadda wadanka Masar oo ah dal uu xiriir taariikhi ah kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Sida ay xogta sheegeyso, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa martiqaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi, wuxuuna la kulmi doonaa Madaxweynaha dalka Masar Abdelfatah Al-Sisi iyo xubno kale oo ka tirsan Dowlada Masar.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan wada-tashi ah la qaadan doono jaaliyadda Soomaalida ee ku sugan caasimadda Qaahira, isagoo warbixin ka siin doono xaalidihii ugu dambeeyey dalka iyo doorashada ka socoto.

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Masar ayaa noqonaya kii labaad oo uu dalka dibaddiisa ku aado muddo todobaad gudihiisa, tallaabada safarkiisa ayaa loo arkaa mid uu ku soo celinayo xiriirkii xumaaday ee dalalka muhiimka ah ee Soomaaliya kala dhaxeeyay xiriirka wanaagsan sida Carabta iyo dalalka deriska inta uu xukunka hayay Madaxweyna waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Todobaadkii hore Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu booqasho maalmo qaadatay ku tegay dalka Kenya, isaga oo la kulmay Madaxweynaha dalkaas Uhuru kenyata, wuxuuna kala hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirkii xumaaday ee labada dowladood.

Qoraal dhowaan uu soo saaray Ra’iisulwasaare Rooble, kagana jawaabayay wareegtadii ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo ee lagu xadidayay awoodaha hey’addaha dowladda ayaa lagu caddeeyay in aanay Soomaaliya wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale.

Rooble ayaa dadaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan sinnaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, wuxuuna socdaal ku tagay dalalka Jabuuti iyo Kenya, sidoo kale wuxuu  wada- hadalo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta oo xiriirro dibliomaasiyadeed, amni ,ganacsi, waxbarasho kala dhaxeeyo Soomaaliya.