Sheekh Shariif oo shaaciyey hal arrin oo lagu xalin karo xiisadda Villa Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, haatan ah gudoomiyaha golaha midowga musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka.

Shariif ayaa shirkiisa jaraa’id uga hadlay xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya, kiiska Ikraan Tahliil iyo heshiiskii laga gaaray murankii ka taagnaa doorashada gobollada waqooyi.

Ugu horreyn wuxuu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday, isaga oo ku tilmaamay nasiib darro.

Sidoo kale wuxuu xusay inuu dhaawacayo rajada ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan inay horay u socota dowladnimada Soomaaliya.

“Runtii waxaan leenahay nasiib darro waaye khilaafka maanta u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, wuxuuna aad u niyad-jabinayaa dadka Soomaaliyeed oo rajada ka qabay in dowladnimada ay horay u sii socoto,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheehh Axmed.

Guddoomiyaha golaha midowga musharixiinta ayaa sidoo kale shaaciyey, sida lagu xalin karo khilaafka u dhexeeya labada xafiis ee ugu sareysa ee dalka, wuxuuna tilmaamay inuu ku jiro xalka in horay loo sii wado doorashooyinka dalka ee horay heshiiska looga gaaray.

“Mushkiladaan waxay ku xallismi kartaa in doorashooyinka horey loo wado oo ay socdaan, kuna socdaan si wanaagsan oo habsame leh,”  ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday heshiiskii ay wada gaareen guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ugu dambeyn soo afjaray murankii ka taagaan sida loo wajahayo doorashooyinka kuraasta labada aqal ee gobollada waqooyi, isaga oo ugu hambalyeey siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland heeshiiska ay gaareen.

Ugu dambeyn wuxuu codkiisa ku biiray in cadaalad loo helo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo uu tilmaamay in hooyada dhashay ay ku garab taagan yihiin dadaalkeeda.

“Qof hay’adaha amniga ka shaqeeya haddii uusan nabad helin, qof kalena nabad ma helaayo,” ayuu yiri Sheekh Shariif xilli uu ka hadlayey kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xiisadda ka dhalatay ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax ay gaartay meeshii ugu sarreysay, waxaana kasii daraya khilaafka ka taagan Villa Soomaaliya.

Hoos ka daawo Shariif