Xog: Guddi ka tirsan Ciidanka Badbaado Qaran oo soo gaaray Muqdisho + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo katirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka, waxaa magaalada Muqdisho ka socda dadaallo ay wadaan guddi saraakiil ah oo ka socda ciidankii Badbaado Qaran ee ka dagaalamay Waqooyiga Muqdisho.

Saraakiishan ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay bilaabeen dadaallo ay kula kulmayaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xogta ayaa tilmaamay in saraakiishaan oo ka soo horjeeda tallaabooyinka uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u wadaan talooyin ku aadan in awood ciidan looga hortago dhaq-dhaqaaqyada sharciga baalmarsan ee ka socda xafiiska Farmaajo.

Sidoo kale saraakiishaan ka tirsan ciidankii Badbaado Qaran ayaa la sheegay in ay sheegeen in Muqdisho ay u muuqato magaalo aan dagaal hureyn ilaa laga qabto Madaxweyne Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa uu ka jiro mashquul badan ayaa la sheegay in aan la ogeyn sida uu ka yeeli doono dalabka kulanka ay codsadeen saraakiishaan.

Xubnaha ka socda guddiga Badbaado Qaran waxaa kamid ah Janaraa Gacma-dulle, Janaraal Koronto, Korneel Xareed Raage iyo Korneel Cusmaan Xaadoole oo dhamaantoodba ah saraakiishii hogaamineysay ciidankii fashiliyey muddo kororsigii Farmaajo.

Rooble ayaa la sheegay inuu rumeysan yahay in ciidanka yar ee diidan inay ka tagaan aagga xarunta NISA, looga saari karo wada-hadal, oo aysan qasab aheyn dagaal dhiig uu ku daato.

Lama oga xaalada ay ku dambeyn karto Muqdisho oo wajaheysa xiisad culus oo ka dhalatay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil oo lagu eedeeyay taliska hay’adda NISA.