Farmaajo oo looga digay in Xamar lagu dili karo + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uga digay in uu dagaal ka rido dalka.

Goodax Barre ayaa sheegay in dalka uusan ka bixi karin Farmaajo, haddii uu dagaal ka dhaco magaalada Muqdisho, maadama uu xili xasaasiga ah ka shaqeynayo iska hor-keenka dadka, taasi oo ku weyna karo naftiisa, sida uu sheegay

“Waxaa ogaata haddaa dalka dagaal ka ridid, magaalada Xamar meel la kala tagayo majirto, Xamar waa kala reebto, haddaad qaadid dagaal meel aad uga baxeyso majirto, haddaa isku haleynayso in Garoonka ka baxeyso, Airport-ka dad buu u xiran yahay la yiraahdo UN iyo AMISOM, hub inta Soomaaliya haysato ka badan ayey haystaan, Soomaali is-raacdeysaneysa ma u galeyso,” ayuu yiri.

“Haddaad magaalada dagaal ka kiciso waxaa ku talo-gashaa mar haddaad ku dhex guuleysan karin ha ku dhiman, ha dhimanin waddankana kaalin xun ha usoo jiidin, adigu ma tihid nin naftiisa ka naxaya.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeyay in uu asagu shisheeye u cararay, halka uu ku doodo inuusan marnaba aqbaleyn in shisheeyuhu soo fara-geliyo arrimaha dalkeena.

Goodax ayaa ugu dambeyntiina madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ku booriyey in uu ka wantoobo dagaal hurinta uu ka wado magaalada Muqdisho, oo ku soo koobnay, haddii kale uu naftiisa ku waayi doono.

Digniinta Goodax ayaa u muuqata middii ugu adkeyd ee hawada loo mariyo Farmaajo, oo kal hore horseeday dagaal culus oo ka qarxay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, xiligan uu wado xiisad abuur dhalin karta xiisad dagaal.