Xildhibaan Aamina: Farmaajo wuxuu caddeeyey inuu ku lug leeyahay kiiska Ikraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Aamina Maxamed oo ah xildhibaanka golaha shacabka ku metesha beesha ay ka dhalatay Ikraan Tahliil Faarax ayaa sheegtay in Farmaajo uu cadeystay inuu ku lug leeyahay kiiska Ikraan, kadib markii uu soo magacaabay guddi ay sheegtay inuu ku car-qaladeynayo baaritaanka kiiska gabadhooda.

Waxay sheegay in Farmaajo uusan marnaba diyaar u aheyn in kiiska Ikraan uu cadaalad ku dhamaado, taasna ay cadeyn u tahay laba tallaabo oo uu qaaday, kuwaas oo kala ah inuu diiday xilka qaadistii Fahad Yaasiin iyo magacaabidda guddigaan cusub.

Waxay sheegtay inay la yaabeen markii uu Farmaajo qoraalkiisa ku yiri Taliyaha NISA ayaa soo magacaabaya xubin ka mid ah guddiga oo wax ka baarta dembiga loo heysto NISA.

“Marar badan waxaa lagu celceliyey Madaxweynahaa hor taagan arrinta Ikraan, laakiin caawa waa uu cadeystay, Farmaajo hadii kiiskaan uusan ogeyn oo isaga uusan amrin, maxuu ugu diidan yahay cadaaladda? Ra’iisul wasaaraha waxaan leeyahay waalidka Ikraan iyo umadda Soomaaliyeed adey kugu qanacsan yihiin oo cadaalad noo balan qaaday markii ay Hooyo Qaali ooysay,” ayey tiri Xildhibaan Aamina Maxamed.

“Ikraan meel halagu sheego, hadey dhimatay meydkeedii noo keena, hadaan labadaba laheyna dadka aan tuhmeyno ee dacwadooda maxkamadda la geeyey hanaloo maxkamadeeyo,” ayey hadalkeeda sii raacisay Xildhibaan Aamino.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegtay in u jeedka uu Farmaajo ka leeyahay guddigaas ay tahay in la baabi’yo kiiska, sida horay looga bartaba dhowr kiis oo guddi loo magacaabay, kadibna aysan waxaba ka soo naasa cadaan.

Hoos ka daawo