Wararkii ugu dambeeyey DAGAAL saaka ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha

Muqdisho ( Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxayaa dagaal haatan ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa ka qarxay inta u dhexeysa isgoyska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer oo ku yaalla degmada Hodan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu u dhexeeyo ciidaamo boolis ah iyo kuwa milatari oo uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Cali Yare oo war kooban soo saaray ayaa sheegay in dagaalkan uu sababay muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale Cali Yare ayaa meesha ka saaray in dagaalkan uu salka ku hayo arimo la xiriira siyaasad ama xiisada ka taagan Muqdisho.

“Waxaa jira is-rasaaseeyn muran dhul la xariirta. Kuma lug lahan wax siyaasad ah,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir.

Taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax, saraakiil kale iyo askar ayaa ku dhaawacmay dagaalka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa sidoo kale jira khasaare soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa goobta lagu dagaalamay, iyada oo ay dhaawacmeen illaa saddex qof oo rayid ah.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana is hor fadhiya ciidamada ku dagaalamay aaga isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.