Xijaar oo ciidankii ka watay Jaamacada Umada, kadib markii ay ka diideen codsi

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Jaamacada iyo booliska Soomaaliya, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Janaraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa amray in la xareeyo askar ilaalo ka aheyd Jaamacada oo ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya. 

Ammarka Janaraal Xijaar ee ciidanka looga watay Jaamacada Umada ayaa yimid kadib markii maamulka Jaamacada u diideen in ay siiyaan 25 minxo waxbarasho oo dibadda ah. 

Xijaar ayaa la sheegay in uu codsaday Minxooyin ay Jaamacada ka hesho, Turkiga, Ruushka iyo Taliyaaniga in laga siiyo 25 kursi oo ciidanka booliska Soomaaliyeed ah, hase yeeshee maamulka Jaamacada ayaa sheegay in 5 kurso oo sidaan oo kale hore loo siiyay uusan uga faa’ideen booliska Soomaaliya, balse uu siiyay dhalinyaro ka yimid degaanada uu dago. 

“Minxooyinkii hore loo siiyay ayaa ahaa dalka Ruushka, mana siinin ciidanka magacooda ayuuna ku qaatay, hada waxa uu rabaa 25 oo ah wadamada ugu fiican ah sida Ruushka, Talyaaniga iyo Turkiga macquulna ma ahan,” ayuu yiri mid ka mid ah maamulka Jaamacada oo la hadlay Caasimada Online. 

Jaamacada Umada ayaa keensatay askar kale oo gaar ah oo aan qayb ka aheyn ciidanka booliska Soomaaliyeed mana jirto wax war ah oo aan ka helnay dhinaca taliyaha booliska ee la eedeeyay. 

Jaamacada Umada Soomaaliyeed waxaa guddoomiye sharafeed ka ah Madaxweynaha Soomaaliya ee talada haya ilaa haddana ma jirto wax warbixin oo lala wadaagay ilaa hadda, sida aan warbixinta ku helnay, waxaana xafiiskiisa ka jira mashquul badan oo dhinaca siyaasada ah. Â