Daawo: “Mareexaan masuul kama aha wixii uu Farmaajo haleeyo,” waxaa sidaas yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Cabdiweli Cabdullahi Maxamuud oo ah Afhayenka Golaha Aayo ka talinta Jubbalnd oo ka soo jeeda beesha Mareexaan ayaa sheegay in beeshiisu aysan masuul ka ahayn wixii uu geysto madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo hadda khilaaf adag uu kala dhaxeeyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ugu horeyn Nabadoonka ayaa umadda Soomaaliyeed uga mahad-celiyey dulqaadka ay muujiyeen intii uu xukunka joogay Madaxweyne Farmaajo, oo nin fashilmay uu ku tilmaamay.

“Anaga beesheena Mareexaan waxaan degnaa gobollada Gedo iyo Galgaduud, 30-sano ka hor markii dadka Soomaaliyeed isagu tageen oo eryeen madaxweyne Maxamed Siyaad cuqdadii na gashay waxay naga baxday markii Maxamed Farmaajo la doortay ee Soomaali yar iyo weyn ay gacmo iyo qalbi furan ku soo dhaweysay,” ayuu yiri Nabaddoon Cabdiweli Cabdullahi.

“Waxuu idinkugu abaal guday sidii aan kuugu lisay iiguma aadan hambeyn, ee Soomaaliyey naga raali ahaada, anaga hal qarni oo hadda kadib ah ninkii cuqdad dambe idiin qaada nagama dhalan,” ayuu yiri.

Nabadoonka ayaa soo jeediyey in dhegaha laga fureysto Farmaajo oo dadku ay doorashada xoogga saaraan, iyagoo garab istaagaya Ra’iisul wasaaraha.

“Asaga iyo xumaanta uu goobaayo halkooda go’doon ha ku ahaadeen, dowladnimada yar inuu na dhaafiyow rabaa, yaan la garab siinin Farmaajo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Nabadoon Cabdiweli ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay mar dhaw ku baraarugeen hagar-daamada Farmaajo, balse reer Jubbaland uu ku bilaabay isagoo hal sano joogin xukunka.

Ugu dambeyntii Nabadoonka ayaa cadaalad u rajeeyey Ikraan Tahliil, “Xukun faashil ah ma raago, ee dul qaata Soomaaliyey Alle nama moogee.” Ayuu yiri.

Hoos ka daawo