Ganacsato Soomaali ah oo Turkey lagu xiray lagana soo masaafurinayo + Sababta

Ankara (Caasimada Online) – Waxaa faahfaahino dheeraad ah laga helayaa ganacsato Soomaaliyeed oo laga xiray goobo ganacsi oo dalka Turkiga ay ku lahaayeen, kuwaas oo Khamiistii lasoo dhaafay ay xabsiga dhigeen ciidamada booliska dalka Turkiga.

Caasimada Online waxay ogaatay in tirada dadka Soomaaliyeed ee lagu xiray dalka Turkiga ay gaareyso 9-qof oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo qaarkood heysta baasabooro dalal kale, sida Ingiriiska iyo Canada.

Sidoo kale dadkaan qaar shaqaale ayey ka ahaayeen goobaha ganacsiga ee albaabada loo laabay, halka qaarna ay ayagu ahaayeen milkiilayaasha ganacsiyada la xiray.

Sida aan xogta ku helnay, sababta loo xiray dadkaas, islamarkaana loo mamnuucay ganacsiyadooda ayaa ah inay dalka ku soo galeen Fiisooyin isugu jira dalxiis iyo ardaynimo oo deganaasho lagu siiyey.

Sharciga dalka Turkiga ma ogolaanayo in dad u yimid dalxiis ama waxbarasho ay dalka ka furtaan goobo ganacsi, sidoo kale sharcigu uma ogolaanayo dadkaas inay ka shaqeeyaan gudaha Turkiga.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa la sheegay inay shalay ku guuleysatay in xabsiga laga soo daayo 9-kaas qof ee Soomaalida ah, kuwaas oo intii ay xabsiga ku jireen laga saxiixay in 30-cisho ay dalka uga baxaan.

Marar badan ayaa la sheegay in booliska Turkigu uu u digay ganacsatadaas Soomaaliyeed ee hadda laga xiray goobohoodii, waxayna dowladdu horay uga dalbatay inay sharciga bedeshaan oo ay qaataan Iqaamada shaqada.

Hase yeeshee Caasimada Online waxay ogaatay in shuruudaha lagu helo kaarka shaqada iyo gacansiga ee dalka Turkiga ay adag yihiin oo kharash badan looga baahan yahay, taas oo ku kaliftay ganacsatadan in digniinaha uga imaanaya dowladda ay dhegaha ka fureystaan.

Sidoo kale xubno ka tirsan safaaradda waxay noo sheegeen inay dowladda kula doodeen in dadkaas aan la tarxiilin oo dalka aan laga saarin, maadaama hanta badan ay ka taalo gudaha dalka.

Sidoo kale Safaaradda ayaa qabatay qareeno, si dadkaan Soomaaliyeed loogu doodo inay dowladdu siiso fursad ay ku soo dhameystirtaan waxa ka dhiman iyo shuruucda looga baahan yahay, maadaama qaarkood hanti badan ay dalka u taallo.