Maxay tahay sababta ay maxkamadda ciidamada u baari la’dahay kiiska Ikraan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cadbiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo markale war qoraal ah ka soo saaray xaaladda cakiran ee dalka ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha ku geedaamay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ee ka taagan Muqdisho.

Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa su’aallo ka keenay sababta ay illaa iyo hadda tallaabo u qaadi la’dahay maxkamadda ciidamada oo loo gudbiyey kiiska Ikraan.

“Maxay maxkamadda iyo xeer ilaalinta ciidanka u dhaqaaji la’yihiin kiiska dacwadda Ikraan Tahliil. Ma baaritaankii ayaa laga hor istaagay? Ma wadahadalka siyaasadeed ayey ka war sugayaan? Mise cabsi ayey qabaan?” ayaa qoraalka ku yiri siyaasiga caanka ah CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida looga baahan-yahay inay iska wareejiyaan tuhunka haatan laga qabo, isaga oo sidoo kale ka dalbaday in caddeyaan waxa ka hortaagan inay guda-galaan kiiska ‘dilka’ ah ee Ikraan.

“Waa in ay tuhunka iska wareejiyaan oo ay shacabka u caddeeyaan waxa ka hortaagan gudda galka kiiska dacwadda,” ayuu markale yiri musharrax madaxweyne Warsame.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo illaa iyo hadda aysan wa tallaab ah oo muuqda qaadin maxkamadda ciidamada oo ay kol hore qoyska Ikraan Tahliil Faarax u gudbiyeen dacwad ka dhan ah saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida Soomaaliya.

Si kastaba, kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa noqday mid culus, wuxuuna xiisad ka dhex abuuray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka.