Afar arrin oo uu sameyn karo Fahad Yaasiin kadib markii uu kusoo noqday Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa shalay gaaray agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo dhawaan loo magacaabay la taliyaha dhinaca amniga ee madaxweyne Farmaajo.

Jimcadii ayay hadal-heyn xooggan ka dhalatay arrinta ku saabsan safarka Fahad oo ka imaanayay Turkiga kaddib markii diyaarad uu saarnaa dib looga celiyay maagalada Jabuuti.

Fahad ayaa Muqdisho ku gaaray diyaarad khaas ah oo la sheegay inay ka soo qaadday Turkiga.

Ilaa iyo hadda lama oga in diyaaraddii wadday ay xogta duullimaadkeeda lasii wadaagtay mas’uuliyiinta ku sugan garoonka ka hor inta aysan soo cago dhiganin.

Imaanshihiisa ayaa ku soo aaday xilli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sabtidii waxaa baaqday shir ay ku ballansanaayeen guddiga amniga qaranka, kaas oo la filayay in Fahad Yaasiin uu ka qayb galo, kana jeediyo warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Gabadhaas ayaa ka mid ahayd saraakiisha hay’adda sirdoonka, balse waxaa la waayay 26-kii bishii June, ilaa haddana meel laguma sheego, in kastoo dhowaan la shaaciyay in Al-Shabaab ay dishay, taas oo ah tallaabo ay beeniyeen.

Haddaba waxaan eegeynaa howlaha horyaalla Fahad ee uu ku dhaqaaqi karo karo maadaama uu dib u soo noqday.

Korneyl Shariif Xuseen Roobow, oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa BBC-da u sheegay in arrimaha la gudboon agaasimihii hore ee NISA ay ka mid yihiin afar waxyaaboob:

1-La wareegista Xilka la-taliyaha amniga

Markii uu horaantii bishan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada ka joojiyay Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, waxaa durbadiiba madaxtooyada kasoo baxay wareegto uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu magacaabay Fahad inuu noqdo la-taliyahiisa amniga qaranka.

Qoraalka Farmaajo waxaa lagu sheegay in Fahad uu iska casilay xilkii hore, walow tallaabada Ra’iisul Wasaaraha loo fasiranayay inay ka careysiisay madaxweynaha.

Maadaama uu Fahad dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxyaabaha laga filan karo waxaa ka mid ah inuu la wareego xilkaas.

Hase yeeshee Korneyl Shariif Xuseen Roobow oo mar horay uga tirsanaan jiray hay’adda Nabad sugidda ayaa aaminsan in booska cusub ee Fahad “uusan ahayn mid saameyn ballaaran leh”.

“Hadda awooddii hore ma yeelan doono, ciidankii hay’adda NISA maamulkoodana wuu ka wareegay gacantiisa,” ayuu yiri.

Sidoo kale, howlaha u yaalla waxaa ka mid ah inuu wareejiyo xilkii hore.

Maxay tahay shaqada la-taliyaha amniga?

Sida aan ka soo xigannay xarunta cilmi baarista waxbarashada Mareyknaka ee Mastersclass, xilkan waa mid aad muhiim ugu ah xafiiska madaxweynaha.

Howsha la taliyaha amniga waa:

  • Inuu madaxweynaha ka caawiyo go’aan qaadashada la xiriirta arrimaha amniga qaranka, gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda, gaar ahaan amuuraha khuseeya amaanka.
  • Inuu soo diyaariyo xogta kooban ee madaxweynaha laga siiyo arrimaha amaanka qaranka ee markaas taagan iyo qorsheyaasha.

Marka laga soo tago inuu talooyinka noocaas ah siiyo madaxweynaha, waxa uu la taliyaha amniga xubin ka yahay Golaha Amniga Qaranka, sida ay dalal badan sameeyaan, oo uu ku jiro Mareykanka.

Golaha amniga Qaranka waxaa hoggaamiya madaxweynaha oo uu garab taagan yahay la taliyihiisa – oo saameyn weyn ku leh go’aannadiisa – wax badanna tusaaleeya.

2- Ka qayb galka shirkii Golaha amniga qaranka

Kulankii la filayay inuu Fahad ka qayb galo 18-kii bishan September waxaa la qorsheynayay in uu ku soo bandhigo faahfaahin buuxda oo ku aaddan waxa ay hay’adda NISA ka ogtahay kiiska gabadha la waayay ee ka tirsanaan jirtay saraakiisha hay’addaas.

Horay waxaa usoo baxay warar sheegayay in NISA ay ku dhawaaqday in Ikraan ay dileen al-Shabaab, walow ay kooxdaas iska fogeeyeen arrintaas.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii ay dib u dhigtay shirka Golaha Amniga waxa ay sheegtay in la qaban doono xilli kale, inkastoo aan si toos ah loo cayimin taariikhda.

3-Soo bandhigidda warbixinta kiiska Ikraan

Maadaama uu Fahad soo gaaray magaalada Muqdisho waxaa suuragal ah in tallaabooyinka uu qaadi doono ay ka mid noqoto ka inuu ka qayb galo shirka Golaha Amniga Qaranka.

“Kiiska Ikraan Tahliil waxaa ku howlan maxkamadaha, waxba golaha amniga shirkiisuna wax way masoo kordhinayo ayay leeyihiin dadku, maxaa yeelay hay’adaha sharciga ayaa ku guda jira baaritaankiisa,” ayuu yiri korneyl Shariif Xuseen Rooboow.

4- Saameynta kulamada wadaxaajoodka

Sida muddo dheerba la hadal hayay, Fahad Yaasiin waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka saaxiibka dhow la ah madaxweynaha Soomaaliya, isagoo haddana loo dallacsiiyay jago usii dhaweyneysa madaxweynaha.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya waxay sheegayaan in wali la wado dadaallo la isugu soo dhaweynayo labada hoggaamiye ee uu khilaafka ka dhex aloosan yahay.

Inta ay socdaan wadahadallada waanwaanta looga dhex sameynayo Farmaajo iyo Rooble, waxaa saameyn ku yeelan kara Fahad, maadaama uu hadda yahay la taliyaha madaxweynaha, dalkana dib ugu soo laabtay.

“Waa hubaal in Fahad uu talooyin ku yeelan doono go’aannada madaxweynaha, laakiin danta shacabka waxay ku jirtaa in uu kula taliyo inay qaataan waanwaanta la wado,” ayuu yiri sarkaalka ka faallooda arrimaha amniga.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta sar sare ee Soomaaliya ayaa ku mashquulsan inay xal dhex dhigaan madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, si loo sii wado hannaanka doorashada.

Sidoo kale beesha caalamka, oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa u xusul duubaya in lasoo afjaro xiisadda, si looga baaqsado in doorashada ay dib usii dhacdo.

Isha: BBC SOMALI