Sidee khilaafka Farmaajo iyo R/W Rooble u saameeyey dhaqaalaha Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo ay haatan ka sii dareyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya ayaa haddane khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday & ra’iisul wasaaraha wuxuu sameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalka.

Ganacsatada ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa sanadihii ugu dambeeyey sameeyey maal-gashiga xoogan ayaa haatan walaac ka muujinaya xaaladaha soo kordhay iyo is qab-qabsiga siyaasadeed ee u dhexeeya labada mas’uul ee ugu sarreysa dowladda.

Sidoo kale ganacsatada ayaa sheegay inuu khilaafkan u horseedi karo burbur dhaqaale oo soo wajaha, maadaama Soomaaliya ay haatan ku jirto xaalad hubanti la’aan ah.

Cabdifitaax Qeydanle oo ka mid ah ganacsatada Muqdisho, isla-markaana ah maamulaha mid ka mid ah carwooyinka waa weyn ee ku yaalla Caasimadda ayaa sheegay inuu hoos u dhacay dhaqaalahooda iyo sidoo kale wax iibsigii badnaa, sababo la xriira khilaafka dalka.

“Markii is qab-qabsiga uu billowday hoos ayuu u dhacay dhaqaalihii iyo wax iibsigii badnaa wuu yaraaday, maxaa yeelay dad badanaa cabsi qaboo lacagahoodii akoonada ku haya ama la baxaayo,” ayuu yri Cabdifitaax Qeydanle oo u warramay Idaacadda VOA-da.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray  “Annaga waxaan cabsi ka qabnaa, haddii uu is qab-qabsiga bato oo colaadihii iyo dagaalladii soo laabtaan inuu kala carar imaado oo shaqo abuurkii iyo maal-gelinta aan sameynay ay hal bacaad lagu liso ay noqoto,”.

Dhinaca kale waxa aad u yaraaday alaabihii kala duwanaa ee laga keeni jiray dalka dibaddiisa, sida Electroniga waxaana ganacsatado ay walaacsan yihiin xiisadda taagan.

“Walaacbey igu heysaa inaan lacag fara badan diro, hadane alaab keeno, iyada oo is qab-qabsiga jiro markastana ay wax dhici karaan,” ayuu yiri ganacsade kale oo jooga Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad hubanti la’aan ah, waxaana wax weliba ay is-bedaleen markii ay is khilaafeen Farmaajo iyo Rooble oo isku qabtay kiiska Ikraan Tahliil.