DF oo weerar culus ku qaaday Midowga Afrika iyo Amisom kadib tallaabo ay qaadeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday Amisom iyo Guddiga Midowga Afrika (AUC), xilli ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay qorshaha howlgalka Amisom loogu beddelayo mid ay ku mideysan yihiin QM iyo Midowga Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in kadib go’aankii kasoo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabad-Galyada Midowga Afrika ee ku baaqay howlgal sidaas ah 7-dii October, ay Muqdisho ku casuuntay wafdi ka socda Guddiga Midowga Afrika (AUC) iyo Amisom.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in kadib ay dhinacyada wada-hadallo yeesheen 12-kii iyo 14-kii October, si looga wada-xaajoodo xal ay dhinayada ku wada qanci karaan, waxna loogu wada darso warbixinta Golaha Ammaanka QM uu soo saarayo 15-ka November.

“Nasiib darro Howlgalka Midowga Afrika iyo AMISOM waa ay diideen inay taageeraan war-saxaafadeed wadajir ah oo lagu muujinayo horumarka ay illaa hadda sameeyeen dowladda federaalka Amisom iyo AUC, oo saldhig looga dhigayo in dowladda federaalka aysan taageerin baaqa Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

“Waa nasiib darro in AUC iyo AMISOM ay doorteen waddo carqaladeyn iyo dib-u-dhigis ah intii la wada shaqeyn lahaa.”

Dowladda federaalka ayaa sheegtay inay si joogto ah u diiday howlgalka QM iyo Midowga Afrika, ayna taageereyso qorshaha ay ciidamada Soomaaliya Amisom ugala wareegayaan amniga.

“Dowladda federaalka waxay Amisom iyo AUC ugu baaqeysa inay si deg deg ah ugu soo biiraan dowladda federaalka soo loo dhameystiro war-saxaafadeed wadajir ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Midowga Afrika.