Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka fal-celiyey HESHIISKA ay gaareen Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin dhowr ah ayaa ka hadlay heshiiska ay xalay Villa Somalia ku gaareen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee lagu xaliyey khilaafkii u dhaxeeyay.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka muuqda inuu tanaasulay ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ogolaaday in meesha laga saaro taliyihii hay’adda NISA ee uu magacaabay, oo aheyd xudunta khilaafka labada mas’uul.

Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin aragtidooda ku aadan heshiiska, hase yeeshee waxaa ka hadlay dhowr xildhibaan iyo murashax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Mas’uuliyiinta ka hadlay heshiiska ayaa yiri:

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi: Meel wanaagsan ayaa la dhigay Heshiiska, waana mudan yahay in la bogaadiyo. Madaxweyne Cabdicasis Laftagareen waa ku mahadsan yahay inuu ku guulaystay dhammaynta kala aragti duwanaantii madaxda qaranka ka dhex jirtay.

Xildhibaan Maxamed Abtidoon: Waxaan bogaadinayaa heshiiska madaxda Qaranka caawa ka gaareen khilaafkii ragaadiyay hawlihii qaranka. Waxaan ugu hambalyeenayaa madaxweynaha Koonfur galbeed mudane Cabdicasiis Laftagareen guusha uu ka gaaray heshiisiinta madaxda qaranka. Waxaan talaabadaan ka baraneynaa in musuulkii daacad iyo dhexdhexaad ka ah xal u helidda khilaaf jira in uu Allah ku guuleynayo.

Qoorqoor wuu ku fashilmay dhexdhexaadinta madaxda. Fashilkiisana waxaa kalifay in uusan daacad ka aheen xalinta khilaafka iyo in uu dhinacyada is hayana mid ka mid ah uu la jiray. 

Cabdikariin Xuseen Guuleed: Waa soo dhaweynayaa heshiiska ay caawa madaxda dowladda ka gaareen khilaafkii siyaasadeed ee intii muddo ahba dhexdooda ka jiray. Waxaana u arkaa in is fahamkaas iyo heshiiskaas uu qeyb weyn ka qaadan doonno dadajinta doorashooyinka Qaranka. Si dalka uu oga baxo firaaqa dastuuriga ah ee uu ku jiray.

Madaxweyne Laftagareen waa ku amaanayaa waana ku bogaadinayaa dowrka odaytinimo ee uu qaatay iyo mudada gaaban ee uu guusha oga gaaray soo abyidda khilaafaadka hareeyay nidaamkii dowdnimo ee dalka.